Mareykanka oo qirtay in uu rayid ku dilay duqeyn uu ka fuliyey Soomaaliya

Image

WASHINGTON, US – Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qirtay in duqeyn 24-kii Febraayo sanadkii 2019 uu ka fuliyey tuulada Kuunya Barow, gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya ay shacab waxyeelo kasoo gaareen.

Qoraal kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu xaqiijiyey in laba qof oo shacab ahaa ay ku geeriyoodeen weerarkaas dhanka cirka ahaa, saddex kelana ku dhaawacmeen.

AFRICOM oo aan kala caddeyn hadii ay magdhow ka bixin doonan ayaa xilligaas ku tilmaamtay dadkaas dagaalameyaal ka tirsan maleeyshiyaadka gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida.

William Gayler, agaasimaha howlgalada AFRICOM, ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AP in dib-u-eegis ay ku sameeyeen eedeymo waqtigaas soo gaarey oo ahaa in ay rayid laayeen ay ogaadeen in ay xaqiiqo tahay.

"Waxaan helnay muuqaal muujinaya qof u muuqda shacab oo kasoo baxaya goob. Balse ma aanan arkeyn ruux kale.Ku talgalkeena ma ahan in aan dilno ama dhaawacno shacab, diyaar waxaan u nahay isla xisaabtanka, inta aan karno waana fur-furanahay," ayuu sarkaalkan Ameerikaanka ah ku daray.

Warbaahinta ku hadasha afka xoogaga Al-Shabaab ayuu eedeeyay baahinta warar been abuur ah oo ku saabsan duqeymaha ay ka fuliyaan Soomaaliya.

Tan iyo 1-dii Febraayo, 2019 illaa iyo 31-dii Maaj, 2020, Mareykanka ayaa Soomaaliya ka fuliyay 91 howlgal oo dhanka cirka ah; 27 kamid ah waxaa hareeyay eedeymo dil shacab, waxaana ku socota dib-u-eegis.

Dhinaca kale, Hay'adda caalamiga ah ee u dooda xuquuqda aadanaha, Amnesty, oo soo dhaweysay qiraalka uu sameeyay Mareykanka ayaa ku qeexdey talaabo loo qaadey dhanka isla xisaabtanka, wallow ay codsatay in la joogteeyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM