Mareykanka oo Saldhig ka furanaya Dhuusamareeb [Ujeedka]

Image

DHUUSAMAREEB - Saraakiil ka socotay howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya oo ay wehliyaan ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ayaa todobaadkan waxay gaareen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Madaxwaynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] iyo madaxa xukuumada Sheekh Maxamed Shaakir Xasan oo wafdiga soo dhaweeyay ayaa waxay la qaateen kulamo diiradda lagu saarey amniga.

Wararka la helayo ayaa intaas ku daraya in qodobada laysla soo qaaday ay kamid tahay in Mareykanka uu Saldhig ciidan ka sameysto caasimada rasmiga ah ee dowlad goboleedkaan, halkaasi oo howlo badan ka fuliyo.

Shaqooyinka Saldhiga lagu qabanayo waxaa kamid ah in ciidamo loogu tababaro maamulkaan iyo sidii uu Mareykanka uga qaadi lahaa Gulufyadda ka dhanka ah xoogaga Al-Shabaab oo qaybo kamid ah gobolka maamusho.

Wasaarada Amniga Galmudug oo tani xaqiijisay waxay shaacisay in saraakiisha Mareykanka ay ka sameeyeen goobo ka tirsan Dhuusamareeb sahmin ku aadan meesha laga dhisayo Saldhigaasi ciidan.

Ciidamada Kumaandooska dalka ee loo yaqaano DANAB oo uu Mareykanku tababaray ayay sheegtay wasaarada inay baaqi kusii ahaan doonan Saldhiga, islmarkaana howlgalo gaar ah ay fulin doonan.

Ma cadda hadii Saldhiga uu noqon doono mid qarsoodi ama mid furan, maadaama la ogyahay in Mareykanka uu dalka ku leeyahay xerooyin ciidan oo tobanaan gaaraa kuwaasi oo qarsoodi ah.

Macluumaadka uu warsidaa Garowe Online helayo ayaa intaas ku daraya in Saldhigaan loo sameyn doono qaybo kamid ah oo ay ku jirto meel ay ka duusho diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee uu Mareykanka ku beegsado Shabaab.

Xerooyinka caanka ah ee uu Mareykanka dalku ku leeyahay waxaa kamid ah Beladoogle, oo ku yaala gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo uu ka qaado howlgalo culus oo uu ku beegsado dagaalamayaasha xiriirka la leh Al-Qaacida.

Tani ayaa kusoo aadaysa xili dhowaan Mareykanka uu in ka badan Labo weerar oo dhinaca cirka ah ee ku bartilmaameed-saday Shabaabka ku sugan gobolka Mudug, halkaasi oo uu ku laayay in ka badan 50 dagaalame.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM