Mareykanka oo shaaciyey mowqifkiisa ceyrintii Xasan Cali Khayre

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa sheegtay in ay ka walaacsan tahay "khaladaadka" kalsooni kala noqoshada uu Golaha Shacabka ku sameeyay Xasan Cali Khayre iyo xukuumadiisa.

War-saxaafadeed nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online arkay ayay ku sheegtay in talaabadan ay "dib u dhac ku tahay dib-u-habeynta ay baadigoobeysay Soomaaliya".

Bayaanka oo lagu caddeeyay in Farmaajo iyo guddoonka Aqalka Hoose ay ka dambeeyeen xilka ka qaadista Khayre ayaa lagu qeexay in go'aankan uu waxyeeleynayo wadahadalka dowladda federaalka iyo maamulada.

"Wadada kaliya ee u furan doorasho waqtigeeda ku dhacda, nabad ah oo la fulin karo waa wadatashi iyo wadahadalo wax-dhisaya," ayay raacisay, iyaddoo hogaamiyeyaasha ku boorisay in ay danta dadka ka fekeraan.

Xasiloonida Soomaaliya ayay hoosta ka xariiqdey in ay ku jirto iskaashiga iyo wadashaqeynta hogaamiyeyaasha "hadii shaqsi ama hay'ad isku dayda in ay ku gacan-sareyso waxaa wiiqmeysa xasiloonida waddanka".

Xilli ay adkeysay in nooca doorashooyinka soo aadan ay noqoto mid wadar ogol ku timid, saamileyda ayay ku tartariisay in ay isu tanaasulaan.

"Mareykanka wuxuu ka dalbanayaa dowladda federaalka, dowladaha xubnaha ka ah, baarlamaanka iyo xisbiyadda kale in ay kawada shaqeeyaan fulinta heshiiskii lagu gaaray Dhuusamareeb," ayay safaaraddu tibaaxdey.

Iyadoo xustay in Washington wali garab taagan tahay Soomaalida, hogaanka ayay xusuusisay in ay mas-xaladda umadda ka shaqeeyaan.

Soomaaliya ayaa wajaheysa mar-xalad kala guur ah oo aysan wali doodu dhinac u dhicin, waxaana arrinta sii murjiyey go'aankii baarlamaanka ku eryay xukuumadda isla markaana uu si deg-deg ah ku ogolaaday madaxweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM