Mareykanka oo shaaciyey mowqifkiisa heshiiska dhinacyada Jubaland

Image

KISMAAYO, Jubaland – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah waxay ku dhawaaqdey in ay soo dhaweyneyso heshiiska ay kala saxiixdeen dhinacyadda khilaafku ka dhaxeeyay ee maamulka Jubaland.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ee safaaradda ayaa lagu caddeeyay mowqifka Washington ee heshiiskaas lagu gaarey caasimadda Kenya ee Nairobi taariikhdu markii ay ahayd 23-kii April ee sanadkan 2020.

Sidda laga soo xigtay bayaanka, Mareykanka ayaa u arka "heshiiskaas taariikhiga ah" mid bilow u ah wadahadalada madaxweyne Axmed Maxamed Islaam iyo hogaamiyeyaasha kale si loo dhiso maamul metelaad leh.

"Amb Yamamoto iyo safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay soo dhaweynayaan heshiiska Jubaland oo ah barta bilowga ee wadahadalada u dhaxeeya madaxweyne Madoobe iyo hogaamiyeyaasha kale si loo dhiso maamul metelaad leh," ayuu u qornaa qoraalka kooban ee safaarada.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Waxaa ku baaqeynaa si dhameystiran loo dhaqan-geliyo heshiiska iyaddoo ay u dhan tahay dhamaan saamileyda Jubaland. Midnimo iyo dib-u-heshiisiin ayaan u rajeynaynaa Soomaaliya".

Shalay ayey ahayd markii Beesha Caalamka ay bogaadisay heshiiska isla markaana ay ku ammaanka hogaanka Jubaland heshiiska ay kala saxiixdeen.

Heshiiska oo ay kaalin fududeyn ah ku lahaayeen Kenya iyo Puntland kuwaasoo looga mahadceliyey doorkooda ayaa qeexaya in Axmed Madoobe uusan mar kale isa soo sharaxin iyo in Golaha Isbedel Doonka aqoonsado guushiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Lagu Eedeeyay Inay Dagaalka Al-Shabaab Ka Leexisay Jidkiisa

Macawiisleyda Beesha Xawaadle ayaa si weyn uga dagaallama gobolka Hiiraan, waxayna door muuqda ku leeyihiin howlgalada lagaga saaray Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    10-06-2025

  • 08:31AM

Qaran Midoobaya Mise Kala Firdhaya? Wadahadallada Qaran oo Galay Mugdi Siyaasadeed 

Dooda siyaasadeed ayaa sii kululaatay kadib markii Xildhibaan Yusuf Gamadiid uu si cad u dhaleeceeyay dowladda dhexe.

  • Soomaliya

    10-06-2025

  • 07:51AM