Mareykanka oo shaaciyey xiliga uu joojinayo tababarida ciidanka Danab

Image

WASHINGTON, US – Iyaddoo Waaxda Difaaca Mareykanka ay dhimeyso joogitaanka ciidan ee Afrika, taliska AFRICOM ayaa saadaalinaya in taageeradooda kumaandooska Soomaaliya aysan dhamaan doonin xili dhow.

Miguel Castellanos, ku xigeenka agaasimaha howlgalada AFRICOM, ayaa hadalkaas ku sheegay wareysi uu siiyey Military Times.

Kumaandooska Soomaaliya ee Washington ay tababarada siiso waxaa loo yaqaanaa Danab, waana guuto si gaar ah u tababaran.

"Danab waa ciidamada leh kartida ugu badan, si gaar ah gudaha Soomaaliya," ayuu raaciyey hadalkiisa, isagoo tilmaamay in ay rajeynayaan in tababarada ay joogsan doonan marka la gaaro sanadka 2027-da.

Wallow lagu bilaabay 150 askari, hadda waxay qiyaasitii u dhaxeysaa sideed boqol [800] illaa iyo kun [1,000]. Sanadkii 2013-kii ayaa la aas-aasey. Yoolku waa in la gaarsiiyo saddex oo kun askari.

Qandaraaska qorista guutada Danab ee Ciidanka Xoogga Soomaaliya waxaa haysata Bancroft Global Development, oo ah shirkad aan dowli ah balse la shaqeysa Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka.

Askarta Soomaalida ah marka ay shirkadaas diiwaan-geliso kadib waxaa lagu wareejiyaa lataliyeyaasha milatariga Mareykana si loo siiyo tababar dheeraad ah, farsamooyinka dagaalka iyo casharo kale.

AFRICOM oo la aas-aasey 2007-dii si hoos ugu dhigo khatarka Al-Qaacida ee qaarada Afrika ayaanan soo bandhigin guutooyinka ka jooga Soomaaliya ee tababara Danab "sababo la xiriira badbaadinta ciidanka".

Xili hadafka uu mira-dhalay, kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa loo aas-aasey in ay fuliyaan howlgalada qorsheysan ee ka dhanka ah Al-Shabaab, oo haysta ku dhowaad lix illaa iyo todoba kun oo xubno ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM