Mareykanka oo si adag uga jawaabay hadalo kasoo yeeray Abuu Cubeyda

Image

WASHINGTON, US – Milatariga Mareykanka ayaa si kulul wuxuu uga falceliyay muuqaalkii u dambeeyay ee Al-Shabaab kaasoo uu kasoo muuqday hogaamiyaha kooxdaas, Axmed Diiriye Cumar [Abuu Cubeyda].

Abuu Cubeyda oo kaliya gacmahiisa iyo garbahiisa la arkayo ayaa sagootinaya dagaalameyaashii fuliyey weerarkii Balidoogle, kaas oo dhacay bishii September ee sanadkan aynu ku jirno ee 2019-ka.

Amiirka xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida oo muuqaalka ku weeraray Mareykanka ayaa ku eedeeyay "beegsashada Islaamka, maalgelinta mukhaadaraadka iyo boobka kheyraadkeena".

Taageereyaashooda ku nool caalamka gaar ahaan bariga qaaradda Afrika ayuu cod dheer ku waaniyey "in ay nafta ak-dhigaan" shaqsi walba oo Ameerikaan kaasoo ay ku arkaan meel kasta oo dunida kamid ah.

Axmed Diiriye ayaa ku faanay in duulaankii saldhiga ugu Mareykanka ee Soomaaliya ay ku khaarijiyeen "askar tirro badan oo Mareykan ah", wallow uusan caddeymo soo bandhigin.

Miguel Castellanos, agaasime ku xigeenka howlgalada ee taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika [AFRICOM], ayaa waxba kama jiraan ku sifeeyay sheegashadaasi, wallow uu xaqiijiyey dhaawaca hal askari oo Ameerikaan ah.

"Marka ay dharbaaxo ku dhacdo argagixisadda waxay isku dayaan in ay ku qariyaan been abuur," ayuu ku yiri maqaal dheer oo uu ku daabacay wargeyska arrimaha ciidamadda ka faalooda ee Military Times.

Maqaalka oo lagu bogaadiyey howlgalada degaanada lagu xorreeyay ee ka dhanka ah xarakadda ayna wadaan Ciidanka Soomaaliya iyo AMISOM ayaa ciwaan looga dhigay "Beenta waxaan kaga hortageynaa runta".

Sidda laga soo xigtay Castellanos, gulufkii Balidoogle, waxay dileen ciidamadda Soomaaliya 13 Al-Shabaab ah oo duulaanka soo qaaday, iyaga oo qariyey saddex gaari oo lagu soo rakibay waxyaabo qarxa.

"Sawirro ayey soo bandhigi lahaayeen si loo xaqiiqsado," ayuu raaciyey isaga oo u muuqda mid dul istaagaya sidda loogu baahnaa caddeynta sheegashadooda.

Al-Shabaab oo horaantii sanadkii 2011-dii lumisay gacan ku haynta magaalooyin muhiim ah ayaa haatan u xuub-siibatay tuulooyinka miyiga, halkaas oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ku duqeeyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM