Mareykanka oo tafaasiil naadir ah ka bixiyey eedeyn uga timid Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Milatariga Mareykanka ayaa Arbacadii asbuucaan beeniyey in duqeyn ay todobaadkii hore la beegsadeen Al-Shabaab uu ku dhintay shacab, waxayna tafaasiil naadir ah ay ka bixiyeen howlgalkooda.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa ka doodey wararka oo ay faafiyeen laba warbaahin, kuwaas oo xusay in qof rayid ah lagu khaarijiyey duqeyn iska caabin ahayd oo Jimcadii lasoo dhaafay ka dhacday Jamaame.

"Eedeymahaas waxay ku saleysan yihiin been abuurka Al-Shabaab, waana waxba kama jiraan," ayay AFRICOM ku sheegtay war-saxaafadeed.

Bayaankan arkay warsidaha GO ayaa raaciyey "duqeyntii 10-ka April waxaa lagu dilay xubin ka tirsan Al-Shabaab markii uu ku lug-yeeshay dilka ugu yaraan lix qof oo shacab aan waxba galabsan oo Soomaali ah".

Si loo taageero sheegashadooda, AFRICOM – oo Amnesty ay ku eedeysay in weeraradooda cirka ay waxyeelo kasoo gaaraan shacab ah – ayaa fahfaahin intaas ka badan ka bixisay dhacdadaas lagu murmay.

"Waxyar kahor duqeynta, argagixiyahaan Al-Shabaabka ah wuxuu degaanka ku soo bandhigay meydadka askar ka tirsan ciidamada Soomaaliya".

AFRICOM ayaa tibaaxdey "isla markiiba halkaas lagu go'doomiyey, argagixiyaha waxaa lagu khaarijiyey duqeyn dhanka cirka ah".

Mareega SomaliMemo oo kamid ah warbaahinta faafiyey eedeyntaas ayay farta ku fiiqeen in uu xiriir la leeyahay xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida.

William Gayler, gaashaanla sarre oo ka tirsan taliska AFRICOM, ayaa "dambi dagaal" ku tilmaamay in Al-Shabaab ay soo bandhigto meydadka "si ay ugu cabsi geliso shacabka aan waxba galabsan ee Soomaaliya".

Sanadkii lasoo dhaafay ay ahayd markii Amnesty ay ku eedeysay Mareykanka in duqeymo aan kala sooc lahayn oo uu ka fuliyo Soomaaliya ay ku dhinteen shacab. Washington waxay qirtay in falkaas ay ku dileen hooyo iyo wiilkeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM