Mareykanka oo war culus kasoo saarey doorashada Koonfur Galbeed

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa war kasoo saartey maanta oo Talaado ah doorashada l filayo in 17-k bisha November 2018 ka dhacdo magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed.

Howlgalka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya [US Mission to Somalia] ayaa dhinac isaga leexiyay inuu taageerayo musharax kamid ah siyaasiyiinta ku tartamaya doorashada Madaxwaynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka Safaaradda, ayaa lagu soo dhaweeyay magacaabista Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed, waxaana ay rajo ka muujisay in Nov 17 ay dhacdo doorasho lagu kalsoonaan karo oo ka turjumeysa codka shacabka.

Dhanka kale, qoraalka Safaaradda ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu taageerayo geedi-socodka doorashada soo socota ee Maamulka Koonfur Galbeed, balse marna uusan taageereynin musharax gaar ah.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xili Mareykanka bishii June ee 2017 uu liiska argagaxisada ka saarey Mukhtaar Roobow, sidoo kalena la laabtey lacag 5 milyan oo dollar oo madaxiisa uu dul-dhigay kahor intasan uuso isku soo dhiibin dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Roobow ayaa kamid ah hadda musharaxiinta isku soo taagey doorashada Koonfur Galbeed, islamarkaana uu doonayo inuu qabto xilka Madaxweynaha maamulkaasi, iyadoo dowladda Federaalka ay kasoo horjeysatay inuu ka qeybgalo tartanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM