Mareykanka oo shaaciyey mowqifkiisa kulankii Farmaajo iyo Biixi

Image

WASHINGTON, US – Mareykanka ayaa "si dul-mar ah" kaga hadlay kulankii ay horaantii bishaan magaalada Addis Ababa ku yeesheen madaxweyneyaasha Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Rodney Hunter, isu duwaha siyaasada howlgalka Mareykanka ee Qaramadda Midoobay, ayaa arrintaan kusoo qaadey khudbadii uu u jeediyey Golaha Ammaanka oo ka shiray xaalada Soomaaliya.

Is-aragga Farmaajo iyo Biixi oo ahaa midkii ugu horeeyay tan iyo markii la doortay waxaa soo agaasimay Abiy Axmed, ra'iisul wasaaraha Itoobiya, wallow ay jiraan awooda daaha gedaashiisa ku jira.

Hunter, oo soo jeediyey in horey loosii waddo wadahadalka, ayaa caddeeyay mowqifka xukuumadda Washington ee kulankaas "lama filaamka ahaa".

"Waxaan ku bogaadineynaa madaxweynaha in uu la hadlo hogaamiyeyaasha dowladaha xubinta ka ah federaalka oo uu ku jiro [kulankii] dhowaan ee madaxweynaha Somaliland [Muuse Biixi Cabdi], waxaana rajeynayaa in ay hogaamin doonto xal balaaran oo geedi u socodka dib-u-heshiisiinta ah," ayuu yiri.

Dhanka kale, Hunter ayaa tilmaamay in Mareykanka uu aad uga walaacsan yahay xiriirka sii xumaanaya ee dowladda Farmaajo iyo maamulada qaarkood, wuxuuna dhinacyadda ku booriyey wadahadal.

"Is-aqbalaadda, wadaxaajoodka iyo tanaasulka waxay muhiim u tahay dhamaan dhinacyadda si loo xaqiijiyo ammaanka, xasiloonida iyo barwaaqadda Soomaaliya," ayuu raaciyey.

Ugu dambeyntii, xukuumadda federaalka ayuu ku tartarsiiyey in ay dib u bilowdo howlgaladda la hakiyey ee gobolka Shabeellaha Hoose si loosoo afjaro maleeyshiyaadka argagixisada ah ee Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM