Mareykanka oo fahfaahiyay duqayn uu ka fuliyay Somalia

Image

JABUUTI -Taliska Mareykanka saldhiga ay ku leeyihiin qaarada Afrika ayaa shaaciyay in weeraro cirka ah Al-Shabaab kula beegsadeen degmada Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose 11-kii bishaan Febraayo. Weerarkaan ayaa la sheegey in lagu diley 8 xubnood oo ka tirsan ururka xiriirka dhow la leh Al-Qacida.

War qoraal ah oo kasoo baxay AFRICOM ayaa sidoo kale lagu xusay in duqaymaha ay ku burburiyeen goobo gabaad u ahaa xoogaga xiriirka la leh Al-qaacida iyo agab milatari.

"Labo howlgal oo aynu ka fulinay Somalia, midka 1aad waxaan hubnaa inaan ku khaarijinay 8, halka kan 2aaadna aan ku dilnay 4 kale, waanu sii wadaynaa duqaymaha," ayaa lagu yiri bayaanka.

Sida ku cad war-saxaafadeedka, howlgaladaan ayuu Mareykanku qaaday iyada oo ciidamada xooga Soomaaliya ay qorsheynayeen guluf ay halkaasi ku qaadaan si ay gacan haynta ula wareegaan.

"Ciidamada Soomaaliya waxay u shaqeynayaan si wax ku ool ah si ay ugu baneeyaan gab horumarka iyo nabadda," ayuu yiri Gregg Olson, oo ah agaasimaha howlgalada ee taliska AFRICOM.

Sheegashada taliska Mareykanka ayaa kusoo aadeysa iyada oo Al-Shabaab mar sii horeysay ay u soo bandhigtay sawiro ay ku sheegayso in weerarka lagu beegsaday guryo ay degan yihiin dad shacab ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM