Mas'uul ka tirsanaa Galmudug oo lagu khaarijiyey Muqdisho

Image
Farxiya Cabdi Waasuge ayaa ahayd Wasiiru dowlihii gaadiidka iyo duulista hawada ee Galmudug.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiiru dowlihii gaadiidka iyo duulista hawada ee Galmudug, Farxiya Cabdi Waasuge, ayaa la wariyey in dabley hubeysan ay caawa ku dishay degmadda Wartanabada ee magaalada Muqdisho.

Laamaha ammaanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa illaa haatan wali ka hadlin falkan. Dilalka qorsheysan ayaa dhif ku ahaa caasimada muddooyinkii dambe.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye oo xaqiijiyey shirqoolka lagu khaarijiyey marxuumadda ayaa sheegay in falkaas ay ka dambeysay koox uu ku sheegay "Khawaariij" isagoo ula jeeda Al-Shabaab.

"Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa uga tacsiyeeyay umadda Soomaaliyeed iyo reer Galmudug geerida ku timid Allaha u naxariistee Wasiir Farxiya Cabdi Maxamed oo aheyd Wasiiro dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowladda Galmudug oo caawa kooxda argagaxisada ah khawaarijtu ku dileen Magaalada Muqdishu," ayay tiri Madaxtooyadda Galmudug.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Madaxweynaha, ayaa si gaar ah tacsi ugu diray qoyska iyo qaraabada Marxuum Farxiya Cabdi Maxamed, wuxuuna Eebbe uga baryay inuu janadii firdowsa ka waraabiyo Marxuumada, samir iyo iimaanna ka siiyo ehelka iyo qaraabada ay ka baxday. Innaa Lillaahi wa Inaa Ieyhi Raajicuun".

Dilalka qorsheysan ee loogu yeero madax-jabiska ayaa kooxaha fuliya waxay u badan yihiin dhalinyarro kuwaasoo wareysiyo qeybtood lala sheegay in ay ku sheegeen in ay ka kooban yihiin illaa shan ruux oo laba kamid ah hubeysan yihiin.

GAROWE OLINE

Related Articles

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM