Mas'uul lagu khaarijiyey qarax ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo Talaadada maanta ah ka dhacay xaafada Daaru Salaam, degmadda Dayniile ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in qaraxa lala beegsaday gaari ay la socdeen mas'uuliyiin sare oo ka tirsan maamulka degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa intaas ku daraya in weerarkan uu ku nafwaayey Cabdi Maxamed Maxamuud oo loo garan ogaa Fidcadow isla markaana qaraxa uu dhaawac culus kasoo gaarey qaar kamid ah ilaaladiisa gaarka ah.

Fidcadow oo la sheegay in uu u dhintay dhaawac kasoo gaarey qaraxa ayaa wuxuu ahaa guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka iyo siyaasadda maamulka degmadda Dayniile. 

"Qaraxa wuxuu u muuqday mid jidka loo dhigay kolanyada isla markaana aad loosii qorsheeyay. Ciidanka ammaanka oo goobta yimid falka kadib waxay sameeyeen baaris aan la ogeyn natiijadeeda," ayuu yiri goobjooge magaciisa uga gaabsaday sababo ammaan.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyada falkaas. Hasa ahaatee, dhacdooyinka noocaan ah waxaa looga bartay maleyshiyadda Al-Shabaab ee gacansaarka la leh urur weynaha Al-Qaacidda.

Qaraxaan ayaa kusoo aadaya xilli caasimada Muqdisho ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda taasoo ka dhalatay is-mari-waa siyaasadeed oo ka taagan qabsoomida doorashooyinka.

Cabsi xoogan ayaa sidoo kale jirta taasoo la xiriirta in is-qabqabsiga uu isku bedeli karo gacan-ka-hadal. Dowladda iyo mucaaradka waxay isku eedenayaan fashilka wadaxaajoodyadii xalka lagu raadinyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM