Kenya oo "ogolaatay" in kiiska badda ay xukmiso maxkamadda ICJ

Image
Image
Image
Image
Image

NEW YORK, USA - Wadahadallo saddex geesood ah oo ay New York ku yeesheen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, dhigiisa Kenya, Uhuru Kenyatta iyo kan Masar, Cabdulfataax Al Sisi ayaa "kusoo idlaaday is faham".

Kulankan oo uu qabanqaabiyay Guddoomiyaha Midowga Afrika, Al Sisi ayaa la isku raacay in xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya lagu soo celiyo "heerkii uu taagnaa bishii Febraayo ee sanadkan".

"...lana qaado tallaabooyin diblomaasiyadeed oo lagu dhisayo kalsoonida labada dowladood iyo shacabka," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska hogaamiyaha dalka leh xeebta ugu dheer Afrika.

Talaabooyinka oo uu kamid yahay duulimaadyadda tooska ah ee Muqdisho-Nairobi oo la hakiyay ayaa ka dhashay markii ay cirka isku sii shareertay xiisadda ka dhalatay dacwada badda.

"Madaxweynayaashu waxa ay ku heshiiyeen in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo ka kooban labada dhinac kuwaas oo ka shaqeynaya ka mira dhalinta is-afgaradka haatan la gaaray," ayuu raaciyey bayaanka.

Xukuumadda Muqdisho ayaa jawaabta ay ka bixineyso talaabooyinkaas oo ay kamid tahay in lasoo eryay safiirkii Soomaaliya ee Nairobi ayaa waxay noqotay "mid ay walaac ka muujineyso".

"Waxaa kale oo xusid mudan, in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku adkeysatay in kiiska badda go’aan kiisa loo daayo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka, taas oo la isku waafaqay," ayaa lagu yiri qoraalka.

Dacwadda oo hortaala Maxkmadda Cadaaladda Aduunka ayaa bilaaban doonta dhageysigeeda 4-da bisha November ee sanadkan 2019-ka, iyadda oo uu noqon doono fadhigii ugu dambeeyay.

Dhinacyada ayaa "isla gartay in laga dhawrsado wax walba oo keeni kara in ay sii kala fogaadaan shucuubta gobolka, dadaalladana la isugu geeyo sidii looga adkaan lahaa kooxaha argagixisada ah".

Kiiska oo taagan iyo bishii August ee 2014-kii ayaa ku saabsan goob badkeedu yahay 100 KM isku wareeg ah, kaasi oo ku taala xuduudka labadda dal, isla markaana hodan ku ah Shidaal iyo Gaas.

"Dowladda Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Madaxweynaha Masar, Cabdulfataax Al-Sisi dowrka hoggaamineed uu ka qaatay wada hadalladan oo bilow fiican u ah isu soo dhawaanshaha labada dal".

Sikastaba ha ahaatee, Kenya ayaa horey u dooneysay in gal-dacwadeedkan lagu dhameeyo miiska wada xaajoodka, talaabadaas waxaa ku gacan-seyrtay Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM