Mashruuc horey musuq-maasuq loogu hakiyay oo dib loo billaabey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Mashruucani oo u jeedkiisu yahay in sare loo qaado wax soo saarka dhulka qalalan ayaa horaantii sanadkaan la hakiyay, markii musuq-maasuq lagu soo eedeeyay isku-dabaradihii, kaasi oo ay maxkamada xukuntay.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo si gaar ah wax looga waydiiyay xukunka lagu riday Cabdi Shakuur, oo ah muddo saddex sano ah, ayaa ka gaabsaday inuu bidhaamiyo oraahdiisa.

Dhanka kale, Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in mashruuca dib loo bilaabo doono dhowaan, isaga oo daboolka ka qaaday inay fuliyeen dhamaan shuruudihii lasoo hor-dhigay si loo amba qaado.

Shuruudaha oo dhowr ahaa waxaa ugu waawayn; in la bedalo isku-duwaha oo qaab aan loo tartami ku yimid, in tababar la siiyo xubnaha cusub iyo in la maxkamadeeyo masuulka lasoo eedeeyay, sida uu qiray wasiir Bayle.

“Mashruuca dib ayaa loo bilaabi doonaa dhowaan…Haa, shuruudihii waanu buuxinay, Axadii,” ayuu yiri Wasiir Bayle, kaasi oo wareysi dhinacyo kala duwan ka hadlay siiyay idaacada VOA-da laanteeda afka Soomaaliga.

Meelaha mashruuca laga fulinayo waxaa qayb ka ah degmada Baki ee gobolka Awdal, taasi oo hoostagta maamulka gooni isku taaga ah ee Somaliland, wasiir Bayle ayaa la su’aalay sida uu halkaasi uga shaqaynayo.

“Halkaan [Muqdisho] ayaa laga maamulaa,” ayey noqotay jawaabtiisa, saacado kadib markii uu aamusitaan iyo war-celin ku haboon uu raadinayay wasiirka oo umuuqday midka iska fogaynaya muran ka dhasha hadalkiisa.

Mashruucaan oo uu maal-gelinayo Bankiga Horumarinta Islaamka oo la joojiyay xili uu marayay wajigii labaad ayaa la filayaa in halkaasi laga amba-qaado, inkasta oo lagu wado in-isbedalo kala duwan oo dhowr ah lagu sameeyo.

Marka laga soo tago sheegashada Wasiir Bayle, ma jirto war qoraal ah oo rasmi ah oo kasoo baxay dhinaca kale, oo caddeynaya in dib loo bilaabi doono hirgelinta mashruucani oo muhiim u ah Ummadda Soomaaliyeed.

Kiiska ku saabsan mashruucani ayaa ahaa midkii ugu cuslaa ee masuul dowladeed loo xukumo tan iyo burburkii dalka, maadaama Soomaaliya ay safka hore kaga jirtay sanadihii udambeeyay dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM

Fahfaahin: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka saakay ka dhacay Damaanyo, oo ah meel muhiim ah oo AS bartilmaameed u ahayd.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 08:31AM