Mas'uul ka tirsan HirShabelle oo qaadey fayruska dilaaga ah ee Corona

Image

JOWHAR, HirShabelle – Wasiiru dowlaha cadaalada dowlad goboleedka HirShabelle, Khaliif Muumin Tooxow, ayaa waxaa lagu waramay in uu soo ritay fayruska safmareenka ah ee Corona ama[Covid-19.

Fahfaahin buuxda lagama helin qaabka uu ku qaadey. Wasaaradda Caafimaadka waxay ku adkeysatay in ay dib ka fahfaahin doonto xaalada guud ee Tooxow, oo sidoo kale ah Xildhibaan.

Bukaanka ayaa haatan ku jira Isbitaal ku yaala magaalada caasimada ah ee Muqdisho, sidda ay mas'uuliyiin iyo xubno ka tirsan qoyskiisa u sheegeen warsidaha Garowe Online.

Marka lagu daro kiiska Tooxow, tirada guud ee xaaladaha la xiriira caabuqa ee Soomaaliya ayaa gaaraya 13, oo laba kamid ah laga soo wariyey Somaliland.

Sidoo kale, laba kamid ah shaqsiyaadka la nool caabuqa ee ku sugan magaala madaxda dalka ayaa ah shaqaale ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka federaalka.

Intaas waxaa wehlisa in uu jiro 58-jir xanuunka uu galaaftay maalin kadib markii laga helay. Marxuumka waxaa muddo uu ku jiro xarun gaar loo leeyahay.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa horey u saadaalisay in maalmaha soo aadan ay kiisas badan kasoo if-bixi doonan Muqdisho, "sababtoo ah cudurka wuxuu aad ugu dhex-faafay bulshada, mana jirto feejignaan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM