"Mas'uul ka tirsanaa HirShabelle oo u goostay Al-Shabaab"

Image

BELEDWAYNE, HirShabelle – AlShabaab ayaa soo bandhigtay shaqsi ay sheegtay in uu ahaa "mas'uul sarre oo ka tirsanaa HirShabelle" oo ah maamul ka arimiya gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Xasan Cumar Axmed oo ku magac-dheer Xasan Mahdi "iskana dhiibay" gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa la tilmaamay in uu ahaa Agaasimihii Madaxtooyadda dowlad goboleedkaasi.

Warbaahinta kooxdan gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa baahisay sawirrada ruuxan, oo wata Koofiyad, Ookiyaale, Shaati iyo Macawiis, kuna ak-sawiran darbi lagu xardhay calanka tawxiidka Islaamka.

Wareysi uu siiyey idaacadda ku hadasha afka maleyshiyaadkan ee loo yaqaano Andulus ayaa waxa uu ku sheegay in uu madaxweyne Maxamed Cabdi Waare la shaqeynayey muddo saddex bilood ah.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu daboolka ka qaadey intaasi kadib uu go’aan saday in uu xafiiska baneeyo kadib markii uu muddo si madax banaan u noolaa uu go’aansaday in uu Shabaab galo.

Marka laga soo tago sheegashadiisa ma jiraan illo madax banaan oo xaqiijinaya, dhinaca kalena, maamulka fadhigiisu yahay magaaladda Jowhar, illaa iyo haatan wax war ah kama aysan soo saarin arrintan.

Dhacdadan oo noqoneysa mid naadir ah ayaa kusoo aadeysa iyadda oo dhowaan ay kooxdu u yeertay Odayaasha Dhaqanka soo xulaya baarlamaanka federaalka, kuwaasi oo qaarkood ajiibay dalabkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM