Mas'uul ka tirsanaa maamulka Koonfur Galbeed oo la dilay

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Gudoomiyihii degaanka Goof-gaduud Buurey ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaarey rasaas ay xalay ku fureen dabley aan wali la aqoonsan heybtooda.

Marxuumka, oo qorshuhu yahay in maanta oo Khamiis ah la aaso, ayaa lagu waramay dhaawac ahaan looga soo qaadey goobta lagu beegsaday.

Xasan Mayow Isaaq ayaa ku dhintay isbitaal ku yaala caasimada ku meel gaarka Koonfur Galbeed, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowlad goboleedkaas.

Illo dhanka ammaanka ah ayaa u sheegay Garowe Online in ciidamada ay bilaabeen howlgalo lagu baadigoobayo gacan ku dhiigleyaasha, wallow aysan jirin koox sheegatay falkaas.

Al-Shabaab, xoogaga gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida, ayaa joogitaan "aan la dhayelsan karin" ku leh tuuladaas duleedka kaga taala magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka uu majaraha u hayo madaxweyne Cabdicasiis Xasan Laftagareen ayaa tacsi u diray ehelka iyo asxaabta marxumka.

Degaanka Goof-gaduud Buurey ayaa sanadihii lasoo dhaafay waxaa gacan ku heynteeda isku bedelay ciidamadda maamulka iyo Al-Shabaab, taasoo shacabka ku qasabtay in ay ka barakacaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM