Mas'uul katirsanaa maamulkii hore ee G/Banaadir oo lagu dilay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Koox hubeysan ayaa magaaladda Muqdisho xalay ku dishay gudoomiye ku-xigeenkii hore ee degmada Boondheere, oo lagu magacaabi jiray Cali Hilowle [Cali Dheere].

Goobjooge ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in laba nin oo bastoolado ku hubeysan ay gudoomiyaha ku toogteen Isgoyska Boondheere, kadibna halkaasi ay ka baxsadeen.

Ciidamada amaanka ayaa dilka kadib goobta gaarey, balse kuma aysan guuleysan inay gacanta kusoo dhigeen raggii falka geystay, oo loo maleynayo inay katirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Waa dilkii labaad oo todobaad guhihiisa ka dhaca Boondheere, iyadoo maalmo kahor halkaasi lagu khaarijiyay sarkaal katirsanaa wasaaradda amniga Xukuumadda Soomaaliya.

Falalka amni darro ayaa kusoo kordhaya caasimadda dalka tan iyo markii uu billowday Ramadan-ka, iyadoo wadooyinka ay ku sugan yihiin ciidamo boolis ah, oo habeen iyo maalin ku baara gaadiidka dadweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM