Mas'uul lagu khaarijiyey xaafad ka tirsan magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya toogasho xalay ka dhacday xaafada Siigaala, degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in dilka ay ka dambeeyeen dabley ku hubeysan Bastoolado.

Gacan ku dhiigleyaasha oo meesha ay fal-dambiyeedka ku geysteen ka cararay ayaa beegsaday Liibaan Qiyaamo

Marxuumka ayaa la tilmaamay in uu gudoomiye ka ahaa mid kamid ah laamaha degmadda Hodan ee gobolka Banaadir.

"Dilka wuxuu dhacay markii laga soo baxay Salaadda Maqrib. Meydka marxuumka waxaa loo qaadey xarunta CID-da," ayuu raaciyey.

Ciidamadda dowladda oo meesha ay wax ka dhaceen tegay ayaanan la sheegin hadii ay dad u soo qabqabteen falkaan.

Goobta lagu toogtay Qiyaamo waxaa horey loogu naf-gooyey gudoomiyeyaal iyo mas'uuliyiin sarre. Al-Shabaab ayaana sheegatay mas'uuliyadda.

Cabdullaahi Xasan Canshuur, kaaliyihii maxkamada gobolka Banaadir iyo Maxamed Cabdiraxmaan, xeer-ilaaliye ku xigeenka qaranka, ayaa kamid ah.

Khaarijinta xubnahaan oo dhacay sanadkii hore 2019 waxaa loosoo qabtay dad uu kamid yahay Ilkacase oo qirtay in uu isagu gacantiisa ku toogtay labadooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM