Mas'uul mar tegay Muqdisho oo laga mamnuucay Mareykanka

Image

KHAAHIRA, Suudaan – Taliyihii sirdoonka Suudaan, Saalax Cabdalla Maxamed [Saalax Ghosh] ayaa laga mamnuucay in uu galo gudaha Mareykanka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda xukuumadda Washington ayaa ku eedeysay sarkaalkan in mudadii uu xilka hayey uu geystay tacadiyo bini’zaadanimo.

"Macluumaadyo lagu kalsoonaan karo waxay muujinayaa in Saalax Ghosh uu geystay jirdil, intii uu xilka hayey," ayuu yiri Mike Pompeo, sida ay kasoo xigatay AFP.

Wasiirka Xiriirka Caalamka ee Mareykanka ayaa wuxuu intaasi raaciyey in sidoo kale xaaska Saalax iyo gabadhiisa aanan laga soo dhaweyn doonin Mareykanka.

"Waxaan kula biireynaa dadka reer Suudaan baadigoobkooda dowlad rayid oo ka duwan taliskii Bashiir," ayuu hoosta ka xariiqay, sida uu ku xusay war-saxaafadeed.

Saalax, oo 27-kii August 2018-kii si qarsoodi ah ku tegay Muqdisho, caasimadda Soomaaliya, ayaa xilkaasi wuxuu iska casilay bishii April ee sanadkan 2019.

Saacadihii uu magaala madaxda dalka dhaca Geeska Afrika ku sugnaa oo uu la kulmay mas’uuliyiin sar-sarre, ayaa wuxuu kala xaajoodey arrimo daaha gedaashiisa ku jira.

Is-casilaadaasi ayaa timid laba maalmood kadib markii la afgambiyey Cumar Xasan Al Bashiir taasoo ka dhalatay bilooyin mudaaharaadyo waaweyn ay socdeen.

Ghosh, oo bartay cilmiga Injineeriyadda, ayaa waxaa tan iyo 1998-dii waxa uu si toos ah iyo si dadban uu ugu lug lahaa maamulka hay’adda sirdoonka.

Intii uu ahaa taliyaha hay’adda, taasi oo kasoo bilaabatay 2009-dii, waxa uu ka dhigay hay’adda mid kamid ah kuwa ugu awooda badan maamulkii Bashiir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM