Mas'uul qarax kala shaqeeyay Al-Shabaab oo xabsi daa'in lagu xukumay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda Ciidamadda Soomaaliya ayaa Arbacada maanta ah xukun ku riday kiis si cad u muujiyey ku dhex-milinka Al-Shabaab ee hay'adda dowladda federaalka ah.

Duq magaalo oo hore iyo sarkaal boolis ayaa lagu helay in ay xoogaga xiriir la leh shabakadda Al-Qaacida u fududeeyeen qarax.

Xeer-beegtadda ayaa labadooda waxay ku kala xukuntay dil toogasho iyo xabsi daa'in, sidda ay baahisay saxaafada maxaliga ah.

Falka loo maxkamadeeyay raggaan ayaa 19-ka bishii April ee sanadkan 2019 ka dhacay degmadda Maxaas ee gobolka Hiiraan, bartamaha dalka.

Dhacdadaas ayaa waxaa ku naf-waayay Cabdirashiid Cusmaan, oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii magaaladaas.

Nuur Ibraahim Mahad-Alle ayaa garka loo geliyay dil toogasho markii ay ku cadaatay in uu yahay shaqsiga qaraxa ku aasey Maqaaxida uu Marxuumka ku sugnaa, sidda ay sheegeen garsooreyaasha.

Cabdiraxmaan Cilmi Cawaale, duqii hore ahaanna gudoomiyihii hore ee Maxaas, ayaa dhankiisa waxaa loo go’aamiyey xabsi daa'in. Doorkiisa falkan wuxuu ahaa in uu ogolaaday in ogaalkiisa weerarka lagu fuliyo.

Cali Axmed Guure, oo ah maqane Al-Shabaab ah kaasoo lasoo xiriiray shaqsiyaadkan, ayaa dhankiisa lagu xukumay dil toogashadda, iyadda lagu fulin doono marka gacanta dowladda soo galo.

Garsooreyaasha ayaa sidoo kale waxay amarku bixiyeen in laamaha ammaanka ay soo qabtaan Guure, oo gobolkaas u qaabilsan Shabaab.

"Dhamaan xukumaneyaasha ayaa haysta fursad ay rafcaan kaga qaadan karaan xukunka," ayaa lagu yiri qoraal Maxkamada soo baxay.

Inta la og-yahay taariikhda Soomaaliya, waa markii ugu horeysay in mas'uul dowladeed loo maxkamadeeyo kadibna xukun loogu riddo in uu argagixisada kala shaqeeyay ama u fududeeyay fal dil ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM