Mas'uuliyiin DF u xirtay musuqmaasuq oo mar kale maxkamad lasoo taagay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda gobolka Banaadir ee magaaladda Muqdisho waxaa mar kale maanta kasoo muuqday mas'uuliyiin iyo shaqaale ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ah.

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa war-saxaafadeed ku shaaciyey in uu fadhiga maxkamadda ku soo bandhigay caddeymaha iyo eedaha.

Eedeysaneyaasha ayaa wajahaya dacwad musuqmaasuq ay ku sameeyeen dhaqaale laga helay deeq-bixiyeyaasha oo loogu talagalay in looga hortaggo safmareenka faafa ee Coronavirus.

Sidda laga soo xigtay bayaanka xafiiska xeer-ilaaliyaha, waxaa harsan caddeymo kale oo loo gudbin doono maxkamadda laguna soo bandhigayo kulanka xiga.

"Waxaana maanta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka u suura gashay in uu Maxkamadda iyo dadweynaha kasoo qeyb galay dacwadda hortooda kusoo bandhigo eedda iyo caddeymaha sida gaarka ah loogu haysto eedeysanayaasha kala ah 1) Xisaabiyaha Mashruuca (C4D Health Promotion) , 2)Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Guud, 3)Maamulaha Mashruuca Hooyada iyo dhallaanka, 4) Maamulaha Mashruuca wacyigelinta Caafimaadka, iyo 5) Agaasimaha adeega Caafimaadka iyo Saadka ee Wasaaraddda Caafimaadka," ayaa lagu yiri qoraalka oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online.

Caddeymaha oo lagu saleyn doono xukunka soo bixi doona waxaa kamid ahaa; Computer-ro iyo buugaagta lacagta lagu jaro.

"Intaa kaddib, Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa go’aamisay in dib laga soo muddeeyo dhameystirka soo bandhigista eedda iyo caddeymaha eedeysanayaasha kale ee haray ee Wasaaradda Caafimaadka ee dacwaddan ku eedeysan," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka ah.

Kiisaska musuqmaasuq gudaha Soomaaliya gaar ahaan kuwa ay ku lug-yeeshaan mas'uuliyiinta iyo xubnaha ka tirsan dowladda ayay dhif iyo naadir tahay in cid loo maxkamadeeyo, "sababtoo ah waa kuwa abaabulan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM