Mas'uuliyiin ku dhaawacmay qarax ka dhacay caasimada HirShabelle

Image
Image
Image

JOWHAR, HirShabelle – Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, sideed kelana waxaa kasoo gaarey dhaawac kadib qarax ka dhashay Miino uu Sabtida maanta ah ka dhacay caasimada HirShabelle ee Jowhar.

Shaqsiyaadka loola cararay isbitaalada ayaa waxaa kamid ah mas'uuliyiin, sidda ay xaqiijiyeen saraakiil dhanka ammaanka ah.

Xildhibaan Sakariye Muumin Hilowle iyo agaasime ku xigeenka Madaxtooyadda, Cabdiqaadir, ayaa lagu sheegay in xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo Isbitaalka guud ee magaalada.

Ma cadda bartilmaameedka weerarkaas. Hase ahaatee, waxaa goobta ay wax ka dhaceen inta badan fadhiista madaxda maamulka.

Meesha uu falku ka dhacay oo ah boosteejada gaadiidka Muqdisho iyo Jowhar waxaa sidoo kale ku caweeya taliyeyaasha ciidamada, Xildhibaanada iyo qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedka.

Maleeyshiyaadka Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakada argagixisada ah ee Al-Qaacida ayaa lagu eedeeyay dhacdadaas.

Taliska Booliska HirShabelle ayaa sheegay in ay qaadayaan talaabooyin ay kusoo qabanayaan shaqsiyaadkii ka dambeeyay falkaas.

Weerarka ayaa wuxuu kusoo aadayaa iyadoo dadka degaanka ay feejignaan dheeri ah ka galeen faafitaanka Coronavirus, kaas oo todoba kiis laga xaqiijiyey magaalada uqdisho oo Jowhar u jirta qiyaastii 90 KM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM