Mas'uuliyiin lagu tuhunsan yahay gurmad la leexsaday oo la baarayo

Image

BELEDWAYNE, Hiiraan – Laamaha ammaanka HirShabelle ayaa shaaciyey in ay qabteen gaadiid lagu leexsaday gurmadka loogu talogalay shacabka Beledwayne ee ay saameeyeen fatahaadaha.

Saraakiisha ayaa tilmaamay in howlgal ay habeenimadii Talaadada qaadeen ku beegsadeen bakhaarka "lagu qariyey" macaawinimadda oo dowladda federaalka Soomaaliya ay halkaas gaarsiisay dhowaan.

Idaacadaha maxaliga ah ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa askarta kasoo xigatay in la bakhaarka la tegay iyadda oo la dejinayo gurmadka.

Dhamme Maxamed Cabdiqaadir Maxamed, xeer-ilaaliye ku xigeenka Maxkamadda Ciidamada qeybte 26aad ee gobolka Hiiraan, ayaa u sheegay Garowe Online in ay laba qof u qab-qabteen dhacdadaan.

"Gaarigii raashiinka wadday waa lala wareegay. Bakhaarkiina waan xirnay. Dadkii leexsaday qaarkoodna waan haynaa," ayuu xusay.

Mr Maxamed oo sheegay in ay tuhunsan yihiin in ay mas'uuliyiin ku lug-leeyihiin arrintaan ayaa daboolka ka qaaday in ay ku raad-joogaan isla markaana kiiskaan ay si qoto dheer u baari doonan.

Talaabadan ayaa waxay kusoo aadeysaa xili dowlad goboleedka uu dhowaan Beledwayne u daabulay ciidamo boolis oo gaar u ah ilaalinta gurmadka.

Ku dhowaad 60-kun oo ruux ayaa ka barakacay Beledwayne oo uu kusoo fatahay Webbiga Shabelle kadib roobabka dayrta oo curtay.

Soomaaliya ayaa safka hore waxay uga jirtaa liiska wadamada ugu lunsashada badan gaar ahaan kaalinta mas'uuliyiinta, waxayna tani kusoo aadeysaa xili ay jireen digniino maalmihii u dambeeyay la bixinayey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM