Mas'uuliyiin lala xiriiriyey colaaddii Wanlaweyn oo wajahaya dacwad

Image

WANLAWEYN, Koonfur Galbeed – Guddiga dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed u saareen xalinta colaadda degmadda Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa soo saarey go'aano.

Gaashaanle Maxamed Cabdiqaadir Maxamed, ku xigeenka xeer-ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sidda, oo ka tirsan guddiga, ayaa war-fidiyeenka u akhriyey war-saxaafadeedka kadib kulamo dhacay.

Sidda ku xusan warka qoraalka ah, go'aanada waxaa qeyb ka ah in baaritaan lagu bilaabo gudoomiyihii degmada Wanlaweyn, Maxamed Siidow Cabdiraxmaan, "si su'aallo looga waydiiyo gabood-faladii dhacay".

Siidow oo shaqo joojin lagu sameeyay isla markaana lasoo wariyey in la xiray ayaa la sheegay "in uu huriyey dagaalada lana saftey dhinac".

Sidoo kale, waxaa go'aanada qeyb ka ah in Hay'adda Dambi-baarista Soomaaliya xarumahooda Muqdisho iyo Baydhabo ay furaan gal-dacwadeed ka dhan ah wakiilo iyo saraakiil ciidan oo lala xiriiriyey dagaaladda.

Mas'uuliyiintaas oo magacyadooda iyo sawiradooda uu baahiyey telefishinka ku hadka afka dowladda Soomaaliya ayaa waxay kala yihiin;

Aadan Cabdi Faarax [Dala-dire], mudane ka tirsan Golaha Wakiilada HirShabelle, Mayow Mustaf Xasan, xubin ka tirsan xeer-dejinta Koonfur Galbeed iyo Maxamed Taraafiko, oo ka tirsanaa baarlamaanka isla maamulkaas.

"Xildhibaanadaas waxaa laga codsanayaa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku tagaan xarumaha baarista, iyaddoo maamulada ay ka tirsan yihiin laga dalbanayo in ay diraan si loo dhameystiro baarista guddiga," ayuu yiri.

Si lamid ah, guddiga ayaa ugu yeeray Gaashaanle Salaad Tifow, abaanduulaha guutad todobaad iyo Cabdinuunow Af-wayne, oo lagu eedeeyay in ay qeyb ka qaateen hurinta colaada, "in ay cadaalada hor-yimaadan".

Dagaal beeleedka ka dhacay Wanlaweyn oo salka ku hayey aanooyin qabiil, loolan siyaasadeed iyo lacago baad ah oo laga qaado isbaarooyin yiilay degmadaas, ayaa galaaftay nolosha in ka badan 20 una badan rayid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu La Kulmay Ninkii Kaliya ee Ka Badbaaday Shilkii Diyaaradda ee Ay Ku Dhinteen 242 Qof?

Diyaaradda oo ahayd duulimaadkii AI171 kuna sii jeeday Garoonka Gatwick, ayaa waday….

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 09:16PM

Dowladda Soomaaliya oo Ka Laabatay xayiraadda Baasaboorka Taiwan Iyadoo uu Cadaadis Saaray Mareykanka

Taiwan iyo Somaliland labaduba waxay sheegtaan inay yihiin dalal madax bannaan — mid ka go’ay Shiinaha iyo mid ka go’ay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 01:30PM