Mas'uuliyiinta dowladda federaalka oo laga mamnuucay Jubbaland

Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland - Iyaddoo xiriirka labada dhinac uu sii xumaanayo, Jubbaland ayaa waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay hakisay wada shaqeyntii iyo isu socodka dowlada federaalka iyo maamulkaasi.

Go'aankan ayaa wuxuu kasoo baxay Shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiiradda maamulkaasi, oo uu maanta gudoomiyay madaxweyne Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe].

War-saxaafadeed kulankaasi kasoo baxay ayaa xukuumadda federaalka wuxuu ku eedeeyay "farogelin qaawan oo doorashooyinka Jubbaland ay ku hayso iyo khal-khalgelinta nabad-gelyadda".

Bayaanka ayaa lagu xusay in wasiiradda ay isku raaceen in doorashadda ay waqtigeeda oo ah 24-ka bisha dambe ay ku qabsoontay, amnigana ay sugaan hay'addaha amniga ee dowlad goboleedkaasi.

Mamnuucista mas'uuliyiinta dowladda federaalka ee degaanada Jubbaland ayaa kusoo aadeysa iyadda oo Wasaarada Arrimaha Gudaha Federaalka ay qaadacday liiska odayaasha soo xulaya Xildhhibaanada cusub.

Dhanka kale, golaha ayaa wuxuu ka tacsiyeeyay weerarkii Al-Shabaab ee xarunta dowladda hoose ee Muqdisho kaasi oo lagu dilay todoba mas'uul laguna dhaawacay xubno uu ku jiro duqa caasimadda.

Kooxda gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa shaacisay in hadafka weerarka uu ahaa ergayga cusub ee Qaramada Midoobay kaasi oo dhismaha ka baxay saacado kahor weerarka.

Eng Yariisow iyo madaxda kale ee dhaawaca ah ayaa la sheegayaa in dhaawacooda haatan lala tacaalayo, iyadda oo wararka qaar ay tibaaxayan in loo qaadayo dalka dibadiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM