Mas'uuliyiinta lagu khaarijiyey weerarkii xarunta gobolka Banaadir

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xaqiijisay in lix ruux lagu khaarijiyey weerarkii AlShabaab ee xarunta gobolka Banaadir.

Wasiirka Warfaafinta, Maxamed Cabdi Xayir, ayaa shaaciyey in lix kale ay ku dhaawacmeen oo uu ku jiro duqa Muqdisho, Eng Yariisow iyo gudoomiyeyaal kale.

Mr Maareeye ayaa wuxuu intaasi raaciyey in dhaawaca gudoomiyaha gobolka Banaadir uu yahay "mid fudud" wallow la sheegay uu qaliin gaalay laguna tilmaamay "khatar".

"Hay'addaha ammaanka baaritaan ayey ku bilaaban weerarkan argagixiso," ayuu raaciyey, isaga oo tacsi u diray eheladda dadkii ku naf-waayey duulaankan.

Dagaalameyaasha Al-Shabaab oo dusha saaratay mas'uuliyada dhacdadan ayaa tilmaamtay in bartilmaameedka uu ahaa ergayga cusub ee Qaramada Midoobay.

James Swan, diblumaasiga Ameerikaanka ah, oo dhismaha ka tegay daqiiqado kahor inta uusan falku dhicin ayaa kulan la qaatay Eng Yariisow oo dhaawac ah.

Sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo kala duwan oo laysku haleyn karo, mas'uuliyiinta illaa iyo haatan la xaqiijiyey dhimashooda oo tiradooda lagu sheegay todoba ayaa kala ah;

1 – Gudoomiyihii degmada Cabdicasiis, Sabaax Cabdullahi Asad
2 – Gudoomiyihii degmada Waabari, Mahad Cilmi
3 - Guddoomiyihii, Shangaani Sahra Markeysi
4 – Agaasimaha Nadaafadda gobolka Banaadir, Cabdifataax Cumar Xalane
5 – Agaasimahii Shaqaalaha Maamulka gobolka Banaadir, Cabdullaahi Dheere.
6 – La-taliyaha dhanka sharciga duqa Muqdisho, Avv Xasan Maxamed Sabriye
7 – Agaasimaha qorsheynta degaanka dowladda hoose, Injineer Shuuriye.

Sidda ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga Soomaaliya, qaraxa oo ahaa is-miidaamin ayaa wuxuu ka dhex-dhacay hool ay shir ku lahaayeen mas'uuliyiinta gobolka.

Sikastaba ha ahaatee, weerarkan ayaa imaanaya maalin kadib markii qarax ka dhacay isgoyska KM4 ee Muqdisho lagu dilay 17 ruux ayna ku dhaawacmeen 20 kale.

MUUQAALKA QARAXA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM