Mas'uulkii ugu horeeyay DF oo musuq-maasuq Maxkamad loo soo taagey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta oo Khamiis ah Maxkamadda gobolka Banaadir lasoo taagey mas'uulkii ugu horeeyay oo katirsan Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Khayre, oo lagu soo eedeeyay musuq-maasuq.

Daahir Maxamed Nuur, oo ahaa madaxa waaxda dib u dejinta Wasaaradda arrimaha gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ayaa xabsiga la dhigay bishii July ee 2018, isagoo lagu soo oogay dacwad ah inuu lusaday $84,000 oo loogu tala-galay barakaciyaasha.

Garyaqaan Muuse Macallin Maxamed, oo ah gudoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa sheegay in Maxakamadda sidoo kale dhageysanayso eedeymo musuq-maasuq oo loo heysto Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda arrimaha gargaarka, Maxamed Cumar.

Eedeysanaha labaad, Maxamed Cumar ayaa kiiskiisa la dhageysanayaa isagaa maqane ah, oo aan ku jirin gacanta hay'adaha amaanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Gudoomiyaha Maxkamadda ayaa shaaciyay in dhageysiga labaad ee kiisasaka Musuq-maasuq u farisan doonaan 5-ta bisha soo socota ee October, iyadoo xilligaasi laga gaari doono go'aan kama dambeys ah.

Soomaaliya ayaa wali safka hore kaga jirta dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka, waxaana tani loo sababeeyay isla-xisaabtan la'aanta iyo inaysan ka jirin dalka dowlad awood u leh oo xaaladda jirta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM