Maxaa diiradda lagu saarey kulankii Farmaajo iyo wasiir Axmed Shide?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, Axmed Shide, oo Khamiista maanta ah socdaal aan lasii shaacin ku yimid Muqdisho, ayaa la kulmay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidda ay xaqiijiyeen dhowr illo wareedyo kala duwan, is-aragga labadda mas'uul ayaa ka dhacay Madaxtooyadda Soomaaliya.

Xogta ayaa intaas u dareysa in dhinacyadda ay kawada hadleen isku xirka kaabayaasha dhaqaalaha iyo iskaashiga ammaanka.

Socdaalka Shide ayaa kusoo hagaagaya xilli todobaadkan dalka Jabuuti lagu qabtay wadahadalo uu ra'iisul wasaare Abiy Axmed soo agaasimay oo u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo Somaliland.

Wada-xaajoodyadda oo muddo afar maalmood ah qaatay waxaa kasoo baxay shan qodob oo darayadda "isla meeldhigeen".

Nuxurka qodobadaas waa sii waditaanka wadahadaladda iyo guddiyo farsamo oo loo saarey qodobo leysku mari-waayey oo kala ah; arrimaha hawada, ammaanka, isu socodka iyo deeqaha caalamka.

Dowladda Puntland ayaa sheegtay in aysan ogolaan doonin natiijo kasta oo kasoo baxda wadahadal dhexmara xukuumadda federaalka ah iyo Somaliland oo aan laga qeybgelin "maadaama ay saameynayaan".

Madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa inta badan wadahalada Somaliland oo gooni u goosad ah tan iyo 1991-dii bilaaba dhamaadka mudada xileedkooda "si ay ololaha doorashada ugu darsadan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM