Maxaa fashiliyey magdhow Shabaab ka bixin lahayd qaraxii Soobe?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qorshe ay Al-Shabaab damac-saneyd in ay magdhow kaga bixiso xasuuqii Soobe ayaa fashilmay, sidda uu baahiyey barnaamijka Galka Baarista ee ka baxa laanta Af Soomaaliga ee VOA-da.

Arrintaan ayaa soo shaac-baxeysa iyaddoo xarakada ay markii ugu horeysay dhowaan qiratay khasaaro shacab kasoo gaarey weerar ay ka fulisay magaalada Muqdisho, taasoo ah wax naadir ah.

Inkastoo marmarsiyadaas su'aal laga keenay, dhacdadii ay dusha saaratay mas'uuliyadeeda ayaa ahayd 28-kii December, 2019, qarax gaari oo ka dhacay isgoyska Ex-kontarool Afgooye ee Muqdisho.

Inkastoo tani ay si furan u qaadatay mas'uuliyadda, xasuuqii Soobe ayaa lagu waramayaa in uu gadood ka dhex-dhacay urur dhexdiisa uu ku qasbay hogaanka in ay qaataan mas'uuliyadda una saaraan guddi.

Saraakiisha amniga iyo kuwa horey uga tirsanaa Al-Shabaab ayaa rumeysan talaabadaas "lagu daminayey guux iyo khilaaf xarakada dhexdeeda ah oo ku saabsan beegsiga shacabka".

Bishii October, 2017, Al-Shabaab ayaa isku dayday "in ay caburiso" khilaaf ka dhashay xasuuqii Soobe, oo kolkii dambe ay "xaal ku damiyeen" wallow aanu si rasmi ah u dhaqan-gelin yabooha.

"Mas'uuliyiinta Al-Shabaab waxay qirteen qaraxii Soobe, iyagoo xubnaha ka tirsan ee su'aasha ka keenay dhimashada boqolaalka shacabka ah u sheegeen in guddi u saarayaan magdhowna la siinayo qoysaska dadkooda ku waayey qaraxaas, balse ma fulin," ayaa lagu yiri warbixinta.

Maxamed Xasan Aadan [Sandheere], sarkaal kasoo goostay Al-Shabaab kadib khilaafka ka dhashay qaraxii Soobe, ayaa tibaaxay in bil iyo bar kahor ay wada kulmeen ninkii isku qariyey qaraxii isgoyska Soobe.

"Waxaan ku kulanay meel baadiyo ah isagoo uu gaariga uu isku qarxiyey ee TM-ka ahaa watay kana soo laabtey Muqdisho," ayuu raaciyey.

Galka Baarista ma carabaabin sababta keentay in ururka gacansaarka la leh Al-Qaacida bixin waayo lacagta magdhowga ah.

Balse, sanadkii 2019, Al-Shabaab ayaa baahisay in "lacago zako ah dad dhibaneyaal ah ugu qeybisay duleedka magaalada Muqdisho".

Qaraxii Soobe ayaa noqday dhacdadii ugu dhimashada badneyd taariikhda Soomaaliya ee lala xiriiriyo Al-Shabaab, waxaana tirada geerida ee weerarkaas lagu sheegay 632 oo dhamaantooda ah rayid aan waxba galabsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM