Dib u dhac ku yimid furitaanka kulankii madaxda DF iyo maamulada

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamuladda ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay kulamo ku yeesheen caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Shirarkaas ayaa horudhac u ah kulanka guud oo lagu wadday in uu Talaadada maanta ah furmo balse dib u dhac uu ku yimid ka dib markii madaxda is-faham ka gaari waayeen qodobada masiiriga ah.

Sidda ay xusayaan warbixinadda, kulamadaan ayaa waxay soo bilowdeen fiidnimadii xalay isla markaana la isla soo gaarey saqdii dhexe.

Madaxweyne Farmaajo, Ra'iisul Wasaare Khayre, iyo dhamaan shanta madaxweyne maamul goboleed ayaa u dhamaa wadahadaladan.

Hogaamiyeyaasha ayaa ku balamay in ay yeeshaan kulamada gooni-gooni ah inta ay isaga soo dhowaanayaan, wadar-ogolna uga gaarayaan qodobada xudunta u ah is-mari-waaga taagan.

Doorashooyinka soo aadan ee loo qorsheeyay 2020-21 ayaa ah qodobka ugu culus oo looga fadhiyo in ay madaxda heshiis kaga gaaraan shirkooda.

Villa Soomaaliya waxay ku adkeysaneysaa qof iyo cod, balse maamulada ayaa diidey oo cuskanaya in aan la fulin halbeegyadii, kuna baaqay in la aado nooc kale oo ku dhici karta mudada hada hartay.

Sikastaba ha ahaatee, natiijada kasoo baxda shirkaan ayaa kala caddeyn doonta qaabka uu waddanka uga gudbayo mar-xalada kala guurka ah ee uu wajahayo, taas oo walaac badan ku haysa shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: Madaxweynaha wuxuu shir la yeelan doonaa madaxdii hore ee dalka

Shirkan ayaa loo arkaa mid fure u noqon kara yareynta kala fogaanshaha siyaasadeed iyo dhisidda hannaan loo dhan yahay oo lagu wajahayo marxaladda kala guurka ah.

  • Soomaliya

    25-05-2025

  • 11:19AM

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM