Maxaa ka cusub shirkii Waare, Qoor-qoor iyo Laftagareen ee Baydhabo?

Image

GAROWE, Puntland - Waxaa magaalada Muqdisho ku soo fool leh maanta Madaxweynayaasha Sadexda maamul goboleed “ Koonfur Galbeed, Hirshabeele iyo Galmudug”.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sida wararka sheegayaan ka soo ambabaxaya caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb halka Waare iyo Lafta Gareen ka soo socdaalayaan magaalada Baydhabo.

Waxaa jirey qorshe ah in Sadexda Madaxweyne inta ay Muqdisho imaan isugu tagaan magaalada Baydhabo balse waxaa arinkaas ka baaqsadey Madaxweyne Qoor Qoor.
Madaxweynaha Hirshabeele oo isagu Muqdisho ku sugnaa ayaa tagey Baydhabo maalintii shalay isagoo halkaas kula kulmay dhigiisa Lafta Gareen.

“Waare waxaa uu Baydhabo u tagey si uu qayb uga noqdo soo dhoweynta Muqdisho loogu sameynayo Madaxweynayaasha kale ee ka imaanaya caasimadaha maamuladooda” sidaas waxa Garowe Online u sheegey qof ka warqba safarka Waare ee Baydhabo.

Madaxweynaha Hirshabeele ayaa safarkiisa waxaa uu ku soo beegmey xilli maalintii shalay galinkii Hore magaalada Balcad qabsadeen kooxaha Al shabaab kuwaas oo muddo kooban gacanta ku hayey magaalo u jirta xarunta maamulkiisa “Jowhar” 53 KM.

Waxaa jira warar sheegaya in magaalada Muqdisho ay ka socdaan qorshe soo dhoweyn ah oo loo sameynayo Sadexdaan Madaxweyne maamul goboleed iyadoo suurtagal tahay in dowlada Federaalka u xirto jidadka Magaalo madaxda Soomaaliya mar kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM