Maxaa kasoo baxay kulan dhexmaray Rooble iyo Qoorqoor?

Image
Farmaajo ayaa xudun u ah madmadow soo kala dhex-dhigay labadda mas'uul.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoorqoor] iyo wakiilo ka socday beesha uu kasoo jeedo ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta, Injineer Maxamed Xuseen Rooble, ayaa wuxuu ku kulmay Muqdisho, sida uu fahansan yahay mareega Garowe Online.

Sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo xog-ogaal ah, Qoorqoor ayaa intii shirka uu socday si adag loogu dhaleeceeyay inuu ka saftey Rooble garab-istaagayna Farmaajo.

"Wakiilada beesha Rooble waxay Qoorqoor ugu hanjabeen in haddii uusan bedelin mowqifka uu ku taageeray madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadey ay ku laabanayaan Dhuusamareeb ayna qaadanayaan go’aano isaga ka dhan ah," ayuu bogga Garowe Online u sheegay qof si dhow uga war hayey is-aragaas.

Tafaasiisha waxay intaas ku dareysaa in Qoorqoor oo kulanka kadib loo geeyay Rooble uu khadka telefoonka kula xiriiray madaxwayneyaasha maamulada lana rumeysan yahay in uu codsadey in dib loo dhigo shirka ay Garowe martigelineyso.

Kulankaas oo ay hogaamiyeyaasha maamulada isku-raaceen in uu caasimada Puntland ka dhaco 21-23 September, 2021 ayaa "si aan toos ahayn u awood-siiyey" warqadii Farmaajo ku shaaciyey in uu hakiyey awoodihii ra’iisul wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta ah.

Bishan September, 16-keeda ayay ahayd markii Farmaajo uu faafiyey warqadda uu ku sheegayo in uu shaqo joojin ku sameeyay Rooble balse uu kala kulmay cambaareyn gudaha laguna eedeeyay in uu isku dayay in uu mar kale la wareego maamulka doorashooyinka waddanka.

Farmaajo, oo waqtigu ka dhacay 8-dii Febraayo, iyo Rooble, oo todobaadkan ay hal sano u xuunsantey tan iyo markii la magacaabay, ayaa isku-maan-dhaafay qaabka loo maareynayo kiiska Ikraan Tahliil Faarax .

GO ayaa sidoo kale wuxuu ogaadey in Qoorqoor uu mar kale codsadey in uu u kala dab-qaado Farmaajo iyo Rooble kuwaasoo xurgufka ka dhaxeysa ay gaartey meeshii ugu sareysay ayna maalmihii lasoo dhaafay warbaahinta baraha bulshada isku mariyeen war-saxaafadeedyo iska soo horjeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM