Maxaa kasoo baxay kulankii gudoonka BF iyo hogaanka Madasha Xisbiyada?

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoonka Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya iyo hogaanka Madasha Xisbiyadda Qaran ayaa shalay mar kale ku kulmay magaala madaxda waddanka ee Muqdisho.

Dhincyadda kasoo muuqdey shirka ayaa kala ah; Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud, Cabdiwali Ibraahim Muudey iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, afhayeenka Aqalka Hoose.

Sidda lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Madasha, kulanka ayaa diiradda lagu saarey xaalada siyaasadeed ee waddanka, gaar ahaan doorashooyinka soo aadan iyo sidii looga heshiin lahaa.

Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in dhinacyadda isku afgarteen in la abuuro jawi lagu wadahadalo iyo mid guud oo loogu diyaar-garoobo doorashada. Mursal iyo Muudey ayaa wakiil ka ahaa Villa Soomaaliya.

Hoos ka akhriso bayaanka

Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran iyo Guddoonka Golaha Shacabka oo ka wada hadlay xaaladda dalka iyo doorashooyinka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka C/wali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa kulan gaar ah la yeeshay Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran oo ay matalayeen Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynihi hore mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Ujeedka kulanka wuxuu ahaa in xaaladda Dalka leyska wareysto gaar ahaan in Guddoonka Golaha Shacabka uu warbixin la wadaago Madasha Xisbiyada Qaran oo talooyin dhowr mar u jeedisay hoggaanka dalka.

Waxyaabaha sida gaarka ah looga hadlay waxaa kamid ahaa baahida loo qabo inay waqtigooda ku dhacaan doorashooyinka, ayna noqdaan doorashooyin laga wada tashaday loo dhan yahay, keeni kara nabad iyo horumar loogana gudbi karo xaaladda adag ee dalku uu ku jiro, isla markaana ay jirto mabaadii guud iyo dammaanad lagu xaqiijinayo arrintaas, in wada hadallada la sii wado si' is faham buuxa looga gaaro arrimaha doorashooyinka, sidaasoo kale waxaa laga hadlay dhinacyada muhiimka u ah doorashooyinka in dadaal xooggan le geliyo sidii loogu qancin lahaa oo loogu waajihi lahaa doorashooyinka aragti mideysan oo dhalin karta kalsooni, sharciyad iyo taageerada shacabka.

Madasha Xisbiyada Qaran


Waa kulankii labaad oo ay yeeshaan hogaanka Madasha iyo gudoonka Golaha Shacabka, illaa iyo haatanna ma muuqato wax heshiis ah oo ay ka gaareen mar-xaladda kala guurka iyo nidaamka doorashooyinka soo aadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

QM: Al-Shabaab loogama adkaan karo dagaal keliya, DFS wadahadal hala gasho

Saul ayaa sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab ay diyaar u yihiin in laga wada hadlo mustaqbalka dalka.

  • Soomaliya

    27-05-2025

  • 06:01PM

Kheyre: Xasan Sheekh waa inuu joojiyaa doorashadda macmalka ah ee uu ku riyoonayo

Hadalkan ayaa imaanaya xilli muran iyo dhaliilo xooggan ay ka taagan yihiin hannaan doorasho oo dowladda Federaalka ay wado.

  • Soomaliya

    27-05-2025

  • 04:53PM