Maxaa keenay baaqashada shirkii uu Farmaajo isugu yeeray maamulada?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dib u dhac ayaa ku yimid Shirkii Golaha Amniga Qaranka ee todobaadkaan ka furmi lahaa magaala madaxda dalka.

Baaqashada kulanka ayaa ka dambeysay markii qaar kamid ah hogaamiyaasha maamuladda ay ka cudar-daarteed ka qaybgalka isu-imaatinkaasi.

Waa markii saddexaad oo uu u qabsoomi waayey shirkaasi soo xaadiri taan la’aan dhanka madaxwayneyaasha dowlad goboleedyada ah.

Xeel-dheerayaasha ayaa aaminsan in sababaha dib u dhaca ku keenay shirka ay kamid tahay xiriirka maamulada qaar iyo dowlada oo aan fiicneen.

Sidda ay ku waramayaan warbaahinta maxaliga ah, sababaha waxaa kamida in dowlada aysan u fulin dowlad goboleedyada balamo ay la gashay.

Balamadaan oo la isku afgartay xafladii caleema saarka madaxda cusub ee Puntland waxaa qayb ka ahaa dib u bilaabista deeqaha laga helo caalamka.

Madaxtooyadda ayaa kaalama caalamka qoonadada ay ku leeyihiin maamul goboleedyadda ka joogisay kadib khilaafkii soo kala dhex-galay.

Aqalka dalka looga arimiyo illaa iyo haatan wax war ah kama uusan soo saarin dib u dhac ku yimid Shirka Golaha Amniga Qaranka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in madaxda maamuladda shir ku leeyihiin magaalada Nairobi, xarunta Kenya, maalmaha soo aadan.

Dad si dhow ula socda ayaa xaqiijinaya in ay kawada hadli doonan xiriirka dhexdooda ah iyo midka ay la yeelanayaan dowlada dhexe.

Fahfaahinta ayaa intaasi raacisay in ay la balansan yihiin xubno ka socda Beesha Calamka oo ay kala hadlayaan arrimo quseeya deeqaha ay siiyaan Soomaaliya iyo xaalada siyaasadeed ee guud ahaan wadanka.

Dadka naqdiya siyaasada xukuumada Farmaajo ayaa rumeysan in ay ka gaabisay cilaaqaad dhow oo ay la yeelato maamulada taasi oo sahli karta in guulo laga gaaro howlaha muhiimka u ah qaranka.

Amniga, doorashoyinka 2020 iyo dagaalka Al-Shabaab ayay kala yihiin waxyaabaha looga fadhiyo in ay xal u hesho xukuumada hadda jirta, taasi oo u umuuqata mid aanan horumaro la taaban karo ka sameyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM