Maxaa laga bartay eryida Golaha Shacabka ee xukuumadda Khayre?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Is-qabqabsiga siyaasadeed ee madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha waa wax soo jireen ah marka la joogo dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul wasaare Khayre ayaa isku dayey in ka duwanaanta madaxdii hore ay u maraan "midnimo siyaasadeed".

Balse, taas waxay u muuqataa in ay soo gabagabowday maanta markii Golaha Shacabka uu u coddeeyay in meesha uu ka baxo wasiirka koowaad.

Qiyaas ayaa jirtay taasoo sheegeysay in 70 boqolkiiba xubnaha baarlamaanka ay ka tirsan yihiin xukuumadda, loona aaneeyay xasiloonida siyaasadeed.

Balse waxay u muuqataa mid arrintaas aad looga badbadiyey ama aanan jirin, marka la eego wixii maanta ka dhacay fadhigii maanta ee Aqalka Hoose.

Kaliya sideed mudane ayaa Khayre ka difaacay mooshinka xilka ka xayuubinta, kuwaas oo saddex kamid ay wasiiro yihiin, kuwa kalena ay ka coddeeyeen.

Farmaajo oo u muuqda mid aad uga war-hayey qorshahaan ayaa soo dhaweeyay eryida Khayre, isagoo sheegay in uu soo magacaabayo ra'iisul wasaare.

Warar ayaa sheegaya in ra'iisul wasaaraha cusub uu ka imaan doono dhanka mucaaraadka oo la fahansan yahay in ay ku lug-leeyihiin qorshahaan.

Falanqeeyeyaasha oo naqdiyey sidda loo maareynayo mar-xaladda kala guurka ayaa soo jeediyey in talaabada xigta aad looga baaraan dego.

Kalsooni kala noqoshada xukuumadda ayaa la macno ah in uusan jiri doonin wejiga saddexaad ee Shirka Dhuusamareeb ayna dhici karto muddo kororsi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Wajahaysa Isbeddel Amni xili uu dhamaanayo howlgalka Midowga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la yeeshay saraakiisha sare ee dhinaca amniga.

  • Soomaliya

    25-07-2026

  • 12:29PM

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM