Maxaa Sababay Mooshinka Xil-ka-qaadista Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Xoosh?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya — Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ee waqtigiisu dhamaadey bishii April, ayaa maanta gudbiyay mooshin xil-ka-qaadis ah oo ka dhan ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Yusuf Cali Xoosh, iyagoo ku eedeeyay inuu ku guuldarreystay gudashada waajibaadka wasaaradda.

Xildhibaanada Mooshin gudbiyay, ayaa sheegay in mooshinka uu muddo socday, kaddib markii ay tabashooyin ka muujiyeen waxqabadka wasaaradda. Waxay sheegeen in si rasmi ah loo horgeeyay Golaha Shacabka, isla markaana loo gudbiyay guddi loo xilsaaray inay ka shaqeeyaan mooshinka.

Maxay xildhibaannadu ku haystaan wasiirka?

Xildhibaannada mooshinka wada ayaa Wasiir Cali Xoosh ku eedeeyay gaabis iyo waxqabad la’aan ku timid howlaha wasaaradda, gaar ahaan wax ka qabashada arrimaha amniga gudaha iyo colaadaha ka dhex dhaca beelaha.

Waxay sidoo kale ku dhaliileen wasiirka inuu ku guuldarreystay inuu si wax ku ool ah uga shaqeeyo xalinta khilaafaadka iyo colaadaha beelaha, kuwaas oo mararka qaar sababa isku dhacyo iyo barakac.

Qaar ka mid ah xildhibaannada ayaa sidoo kale sheegay in wasaaradda ay ku fashilantay inay si ku filan uga shaqeyso ilaalinta iyo xoojinta nidaamka federaalka, oo ay sheegeen inuu yahay saldhigga siyaasadeed ee Soomaaliya.

Mooshinka ayaa imaanaya xilli ay dalka ka jiraan khilaafaadyo siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, iyadoo ay taagan yihiin muranno la xiriira awood-qeybsiga, doorashooyinka iyo maamulka arrimaha gudaha.

Khilaafaadka siyaasadeed oo sii kordhaya

Tallaabadan ayaa sidoo kale kusoo beegmaysa xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha dalka, iyadoo xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay walaac ka muujinayaan sida loo maareynayo arrimaha siyaasadda, amniga iyo xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa door muhiim ah ku leh xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada, arrimaha dib-u-heshiisiinta, maamulka gudaha iyo diyaarinta geeddi-socodka doorashooyinka.

Gudbinta mooshinka maanta ma micnaheedu aha in wasiirka xilka laga qaaday. Mooshinka ayaa hadda maraya habraaca baarlamaanka, waxaana guddiga loo saaray uu qiimeyn doonaa eedeymaha iyo qodobada ay xildhibaannadu soo gudbiyeen ka hor inta aan Golaha Shacabka laga gaarin go'aan kama dambeys ah.

Haddii mooshinka loo gudbiyo marxaladda cod-bixinta, Golaha Shacabka ayaa go'aan ka gaari doona in wasiirku sii wadanayo xilkiisa iyo in xilka laga qaado.

Mooshinka Cali Xoosh ayaa noqonaya mid ka mid ah tallaabooyinka ugu dambeeyay ee muujinaya cadaadiska siyaasadeed ee wajahaya dowladda federaalka, xilli ay Soomaaliya ku jirto xaaladda kala-guur ah, oo dowladda uu waqtigeeda dhamaadey, mid cusubna la dhisay, islamarkaana xiriirka u dhexeeya dowladda dhexe iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyada sii xumaanayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muuqaallada Hollywood ma dhisi karaan mustaqbalka jiilka Soomaaliyeed?

Dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa ku soo koray dal aysan ka jirin nidaam…

  • Soomaliya

    01-09-2026

  • 01:38PM

Soomaaliya : Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta oo xoojinaya iskaashiga hubka

Laba ilo-wareed oo Maraykan ah ayaa WSJ u xaqiijiyey in Maraykanku fuliyey weerarka.…

  • Soomaliya

    01-09-2026

  • 11:35AM