Maxaabiis Daacish ah oo Xabsiga Muqdisho ku dhaawacay maxbuus British ah

Image

MUQDISHO, Somalia - Nin u dhashay dalka Ingiriiska, ayaa maanta lagu dhaawacay gudaha Xabsiga Dhexe ee Xamar, halkaasi oo lagu hayay maalmihii lasoo dhaafay kadib markii lagu qabtey Garoonka diyaaradaha isagaa wata sunta dadka ka ilmeysiisa.

Anthony Thomas Cox, ayaa dhaawac fudud oo dhank qoorta/dhuunta kasoo gaarey weerar ay kusoo qaadeen labo maxbuus oo watay Siin, sida ay sheegeen saraakiisha xabsiga, oo hadda xaaladiisa caafimaad la tacaalaya.

Wararka ayaa sheegay in ragga weerarka ku qaadey muwaadinka Ingiriiska ay yihiin maxaabiis Daacish ah, oo doonayayay in Xabsiga ku dhex-dilaan ninka ajnabiga ah, ee kasoo jeeda wadanka Ingiriiska.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa todobaadkii tagey amartay in Anthony Thomas lagu sii hayo xabsiga dhexe, maalmo kadib markii ciidamada amniga ay ka qabteen Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde isagoo wata walxo lagu sheegay sunta ilmada dadka ka keenta [Tear Gas].

Anthony ayaa la qabtey xili uu ka raacayay Garoonka diyaaradda Eithiopian airlinesa, isagoo markii doonayay inuu dalka ka baxo, waxay wararku sheegayaan inuu ahaa nin mudo la shaqeynaya shirkad ajnabi ah oo ka howlgasha Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM