Kulanka Kismaayo uga socda Madaxda maamulka maxaa laga filan karaa ? [Arag Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxwayneyaasha HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare, Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Puntland, Cabdiweli Gaas ayaa gaarey Kismaayo kahor inta uusan furmin shirka Gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyada.

Madaxwaynaha Jubbaland, oo martigelinaya shirka, Axmed Madoobe iyo madax kale, ayaa si diiran ugu soo dhaweeyay hogaamiyaashaan caasimadda goboleedka Jubbada Hoose, halkaasoo ay salaan uga qaateen cutubyo ciidan ah.

Waare, Gaas iyo Xaaf ayaa intaasi kadib waxaa loo gal-biyey dhanka Madaxtooyadda Jubbaland, halkaasoo ay kusii sugnaan doonan illaa iyo inta uu ka furmayo shirka Gollaha Iskaashiga maamul goboleedyadda.

Shirkaan oo si rasmi ah u furmi doona 3-da bishaan ayuu qorshuhu yahay inay soo xaadiraan dhamaan hogaamiyaasha dowlad goboleedyadda xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya, xili qodobo xasaasi ah lagu gorfayn doono.

Arrimaha la fahansan yahay inay kamid yihiin Ajandayaasha ugu waa wayn waxa kamid ah; doorashooyinka kusoo food leh saddex kamid ah madaxda maamuladda, khilaafka Jubbaland iyo dowlada dhexe iyo arrimo kale oo aanan wali loo shaacin.

Kulamo gooni-gooni ah ayey yeelan doonan sida la fahansan yahay Axmed Madoobe iyo Madaxwayneyaasha Galmudug iyo HirShabelle, iyaga oo isla soo qaadi doono xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, iyo qodobada ay ku fallanqayn doonan shirkooda.

Madaxwaynaha maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu gaaro Kismaayo, sida ay sheegeen Saraakiisha Jubbaland.

Shirkan ayaa kusoo beegmaya xilli Villa Soomaaliya la sheegay inay ka shaqeynayso sidii loo ridi lahaa Madaxweyne Axmed Madoobe, oo khilaaf kala dhaxeeya madaxda sare ee dowladda Federaalka. [Halkan ka akhri warka].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shacabka Mandheera oo Dalbaday in Laga Saaro Ciidamada Jubaland Kadib Weerarkii Dadka Lagu Laayay

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya, Rigathi Gachagua, ayaa sidoo kale ku baaqay in ciidamada Jubbaland laga saaro dhulka Kenya.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 06:07AM

Mucaaradka oo Ku Dhawaaqay Bannaanbax Kale oo Ka Dhacaya Muqdisho 16-ka May

Madasha Samatabixinta ayaa sheegtay in tallaabooyinkaasi ay saameeyeen nolol maalmeedka magaalada Muqdisho.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 05:19AM