Maxay Galmudug iyo Koonfur Galbeed uga gaabsadeen baaqii Aqalka Sare?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maamul goboleedyadda Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa noqdey dowladaha xubinta ka ah federaalka Soomaaliya ee aan wali ka hadlin hadalkii dhowaan kasoo baxay golaha Aqalka Sarre.

Afhayeenka Senate-ka, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa "shir deg-deg ah" ugu baaqay madaxda dowladda federaalka iyo maamuladda si ay uga tashadaan nooca doorasho ee waddanka ka qabsoomeysa 2020-21.

Sidda lagu caddeeyay war-saxaafadeed kasoo baxay kulan uu Xaashi shir gudoomiyey, afhayeenka wuxuu magacaabayaa guddi uu isagu madax u yahay, kaas oo ka shaqeyn doona "isku keenida madaxda".

Go'aankaas waxaa soo dhaweeyay isla markaana Aqalka Sarre ku bogaadiyey maamuladda Puntland, Jubbaland, HirShabelle iyo dhamaan siyaasiyiinta mucaaraadka oo ku sifeeyay "talaabo geesinimo leh".

Hase ahaatee, waxaanan wali caddeynin mowqifkooda maamuladda Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo ku dhow Villa Soomaaliya, oo wajaheysa eedeymo ay kamid yihiin doonista muddo kororsi.

Lama ogga sababta dhabta ah ee ka dambeysa arrintaan, hase ahaatee, waxaa la aaminsan yahay in ay sii xoojineyso shakiga ku geedaaman in ay waqtigeeda ku dhici karto doorashooyinka dhamaadka sanadkan.

Koonfur Galbeed ayaa lagu eedeeyay in ay dhowaan fashilisay shir loogu gogol-xaarayey wadahadalo ay yeelan lahaayeen madaxda dowladda iyo maamuladda "markii ay diidey waqtiga iyo goobta lasoo jeediyey".

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa qaban-qaabiyey shirkaas kadib codsi uu gudbiyey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Mareykanka oo dhankiisa ku biiray dhinacyadda taageeray dedaaladda Aqalka Sarre ayaa xoojiyey baahida loo qabo in ay kulmaan dowlada iyo maamulada.

Puntland ayaa si gaar ah ugu eedeysay madaxda dowladda federaalka in ay ku fashilmeen hirgelinta halbeegyaddii lagu aadi lahaa doorasho qof iyo cod sidda; amniga, dastuurka, shuruucda iyo dagaalka Al-Shabaab.

Dhamaan arrimahaan ayaa kamid ah caqabadaha horyaala qabsoomida doorashooyinka qof iyo cod ee qorshuhu ahaa in ay dalka ka dhacaan 2020-21, taas oo haatan la gelinayo calaamad su'aal weyn.

Madaxda fadhisa Villa Soomaaliya ayaa had iyo goor ka dhawaajiya in ay diyaar u yihiin miiska wadahadalka oo ay la fariistaan madaxda maamulada iyo saamileyda, hase ahaatee dhinacaas uma qaadaan wax talaabo ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM