Maxay kawada hadleen Mursal, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Afhayeenka Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayaa habeenimadii Isniinta kula kulmay Muqdisho madaxweyneyaashii 7aad iyo 8aad.

Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ogolaadey casuumaad ay ka heleen gudoomiyaha Aqalka Hoose.

Qoraal kasoo baxay Madasha Xisbiyadda Qaran oo uu horkacayo Shariif, hogaamiyaha xisbiga Himilo Qaran, ayaa lagu sharaxay ajendaha kulankooda.

Sidda laga soo xigtay bayaanka, waxaa kulanka lagu lafaguray amniga sii xumaanaya iyo jahwareerka siyaasadeed ee u dhexeeya xisbiyada, dowladda iyo maamul goboleedyada dalka.

Illaa iyo haatan ma jiro war rasmi ah oo xafiiska Mursal uu kasoo saarey ujeedada keentay is-araga oo aan horey loosii shaacin.

Kulanka ayaa kusoo aadaya iyaddoo dhowaan Golaha Shacabka uu ansixiyey sharciga doorashooyinka oo xisbiyadda mucaaradka iyo maamuladda qaarkood ay walaac ka muujiyeen qodobo.

Qodobadda ay walwalka ka muujiyen waxaa kamid ah midka 53aad oo xeerinaya in dowladda muddo kordhin sameynsan karto hadii ay yimaadaan musiibooyin sidda abaaro.

Doorashooyinka Soomaaliya ee 2020 ayaa qorshuhu ahaa in ay noqdaan qof iyo cod, balse waxa jira aragtiyo sheegaya in aysan qabsoomi karin, "sababtoo ah diyaar-garow la’aan iyo halista Al-Shabaab".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM