Maxay salka ku haysaa booqashada Farmaajo ee China?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa ina Todobaadkan ay u ambabaxaan dalka China, iyadoo tani ay noqonayso safarkiisii ugu horeysay ee dalkan ku yaalla bariga Asia.

Macluumaad hoose oo Warsidaha Garowe Online ka helay Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in socdaalka Madaxweyne Farmaajo uu ka dambeeyay kadib markii lagu casuumey shirka Iskaashiga Africa iyo China ee "China-Africa Cooperation" (FOCAC).

Kulankan ayaa la filayaa inuu furmo Isbuuca soo socda, iyadoo uu socon doono 3-da illaa 4-ta bisha September ee 2018, waxaana ka qeyb-galaya hogaamiye-yaal ka socda 52 dal oo Africa ku yaalla, oo uu kamid yahay Madaxweynaha Soomaaliya.

Inta uu ku sugan tahay China, Farmaajo ayaa kulamoo gaar-gaar ah la qaadan doona madaxda ka qeybgalaysa Shirka, kuwaasoo ay kawada hadli doonaan xiriirkooda laba geesoodka iyo sidoo loo adkeyn lahaa.

Dowladda China ayaa kamid ah dalalka taageerada siiya dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo Farmaajo, waxaana ay safaarad ku leedahay Muqdisho, taasoo loo soo mariyo mashaariicda loogu tala galay Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM

Howlgalka Nabadda ee Midowga Afrika ee Soomaaliya oo Wajahaya Caqabado Dhaqaale

Masuuliyiinta Soomaaliya ayaa mar kale ku celiyay muhiimadda AUSSOM u leedahay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    12-05-2025

  • 01:05PM