Maxay tahay sababta ay DF ugu yeertay safiirka u fadhiya Geneva?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah u yeertay safiirka u fadhiya magaaladda Geneva ee caasimada dalka Switzerland, sida lagu sheegay war-saxaafadeed.

Sidda laga soo xigtay war qoraal ah oo kasoo baxay wasaarada arrimaha dibada, danjire Faadumo Cabdullaahi Maxamuud ayaa looga baahan yahay in muddo isbuuc ah ay ku timaado xarunta wasaarada ee Muqdisho.

Faadumo ayaa sidoo kale ah wakiilka Soomaaliya u qaabilsan Xarunta Qaramada Midoobey ee xuquuqda aadanaha ee magaalada Geneva, magaala madaxda wadanka Switzerland.

Bayaanka kasoo baxay wasaaradda uu madaxda ka yahay wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa nan lagu caddeyn sababta loogu yeerayo marwo Faadumo.

Hasayeeshee, wararka ayaa sheegaya in ay tahay ka aamusitaanka go’aankii uu Madaxwaynaha Mareykanka ugu aqoonsaday Buuraha Golan in ay leedahay Yahuuda halkaasi oo ay isku haystaan Suuriya.

"[Danjire Faadumo] waxaan rajeynayaa in aad mudada kor ku xusan aad ku imaan doonto xarunta wasaaradda ee Muqdisho [caasimada dalka]," ayaa lagu yiri warka.

Xogaha ayaa intaasi ku daraya in danjire Faadumo lagu haysto cabasho ay ka gudbiyeen Soomaalida ku nool dalkaasi oo ku saabsan in aysan shaqadeeda si fiican u gudan marka ay timaado bixinta adeegyada safaarada.

Fahfaahinada ayaa tibaaxaysa in ay qayb ka tahay u yeerida safiiradda dib u habeyn balaaran oo ay xukuumada ku wado safaaradaha dalka u leeyahay caalamka.

"Kama hadli karo," ayuu tiri xoghaynta gaarka ah ee wasiir Cawad markii warsidaha GO uu waydiiyay in u yeerista Faadumo ay xigto in la bedalayo loona wareejinayo jago kale.

Sanadkii hore 2018-kii ayay ahayd markii xukuumada ay u yeertay safiirka iyo diblumaasiyiinta safaarada Soomaaliya ee Suudaan, taasoo ka dambeysay ashtako ay ka gudbiyeen Soomaalida wadankaasi ku nool.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM