Maxay tahay sababta garoonka Baraawe looga dhigi waayey Laami?

Image

BARAAWE, Koonfur Galbeed – Maalmo kadib markii 10-kii Maaj, 2020 xariga laga jaray, roob xoogan oo ku da'ay ayaa sawirro laga soo qaadey waxay dhaliyeen shaki baaxad ah oo ku saabsan qarashka ku baxay.

Mas'uuliyiinta ku baxday waxay madasha daahfurka si furan ugu adkeysteen in lagu maalgeliyey aduun dhan 4.3 milyan oo Doolar.

Hase ahaatee, dadka naqdiyey fekerkaas waxaa ku adkaatay in ay fahmaan, maadaama ay ku doodayaan in lacagtaas lagu dhisi karay garoon Laami ah, halka laga doorbiday madaar Jaay, wallow uu qiil jiro.

Barnaamijka Galka Baaris ee ka baxa laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayaa ka jawaabay qaar kamid ah waydiimihii ka taagnaa oo ku sabasan garoonka ay dhismihiisu fadeexada hareysay magaalada Baraawe.

Saraakiil ayuu kasoo xigtay in goobta sawirada laga soo qaadey ee madaarka aysan ahayn dhabaha diyaaraduhu ku degaan, wuxuuna ku sheegay qeybta baabuurta la dhigto oo kasoo horjeeda dhabaha.

Hase ahaatee, wuxuu qiray in tani ay bilow u noqon karto cilado kale oo kasoo ifbaxa, inkastoo shirkada dhistay ay wali ku sugan tahay magaaladda isla markaana ay diyaar u tahay xalinta mushkiladahaas.

"Dagaal joogto ah"

Wallow argagixisada laga xoreeyay magaalada September, 2014-kii, haddana waxay kamid ahayd caqabadaha lala kulmay intii ay socotay dhismaha garoonka oo la tilmamaay in ay qaadatay in ka badan laba sano.

Caqabadaha waxaa kamid ahaa qaraxyo loo dhigay gaadiidka sahayda u sidda dhismaha garoonka, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Sanduuqa Xasilinta Soomaaliya oo ay ku jiraan dowlado, ururo iyo hay'addo ayaa la xaqiijiyey in uu bixiyey maalgelinta mashruuca.

Cabdullaahi Aadan Axmed [Black], wasiirkii hore ee duulista hawada Koonfur Galbeed oo xilka hayey markii la bilaabayey dhismaha garoonka, ayaa carabka ku adkeeyay in ay Al-Shabaab kala kulmeen "dagaal joogto ah".

Goobta laga hirgeliyey garoonka diyaaradaha Baraawe ayaa bartamaha magaaladda u jirta qiyaastii sideed kilo mitir [8 KM].

"Dhib saddexaad ayaa jira, nimankaas nabad-diidka ah ee Al-Shabaab ayaa dagaal aan kala joogsi lahayn nagu hayey, moonooyin ayay noo dhigeen meeshaas in aysan caasimad noqon ayay ku dedaaleen," ayuu raaciyey.

Talo-gelin?

Qodobada kale ee dooda ka taagan tahay waxaa kamid ah hadii tartanka shirkadaha dhisaya garoonka laga talaliyey maamulka Koonfur Galbeed iyo in lacagtaas lagu dhisi karay garoon Laami ah.

Aadan Cumar Madoobe, gudoomiyihii degmada Baraawe haddana ah isu duwaha xiriirka degmooyinka gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa ku adkeystay in ay goobjoog ahaa tartanka shirkadaha.

Buubaal Investment Company oo ah shirkad waddani ah ayaa si furan ugu guuleystay fulinta mashruuc markii ay la tartantay shirkado kale oo ay ku jiraan qaar ajnaabiib ah iyo kuwa kale oo Soomaaliyeed.

Nuur Cali Buubaal, maamulaha guud ee Buubaal Investment Company, ayaa si cad meesha uga saarey in maamulka Koonfur Galbeed uu wax door ah ka qaatay in ay kusoo baxaan helitaanka mashruuca dhismaha.

"Maba ogeyn, annagoo socono ayaa meesha ugu tagnay," ayuu yiri intii uu socday wareysi uu siiyey isla barnaamijka Galka Baarista.

Sababta Laami looga dhigi waayey

Mar la waydiiyey hadii lacagtaas lagu dhisi karay garoon Laami ah, wuxuu yiri: "Wax kala go'ay oo qarash ma jirto, kunturaada nala siiyey ayaa ahayd in aan Jaay ka dhigno, midka ugu fiican ayaanna ka dhignay".

Dhowr illo wareedyo oo kala duwan ayaa u xaqiijiyey Galka Baarista in maalgeliyeyaasha ay iyagu doorbideen in garoonka Jaay laga dhigo maadaama lacagta ay hayeen uusan ku fileyn in laga dhigo Laami.

Ku talogalkooda, sidda ay tibaaxeyso xogta ka helay, wuxuu ahaa in garoonka ay kusoo degaan diyaaradaha xamuulka iyo kuwa yar-yar ee rakaabka qaado.

Sarkaal la socday shaqada garoonka ayaa sheegay in dhismaha garoon Laami ah ay ku bixi karto aduun dhan 9 milyan oo Doolar, marka lagu daro qarashka agabka looga soo daabulayo Muqdisho.

Dukumiintiyo ayaa muujinaya in shirkadda illaa iyo haatan la siiyey 3.8 milyan oo Doolar oo kamid ah lacagta loo qoondeeyay mashruuca, mana cadda waqtiga loo dhameystiri doono inta kale ee baaqiga u ah.

Sikastaba, waa markii ugu horeysay oo Baraawe ay taariikhda yeelato garoon diyaaradeed. Hirgelinta mashruucaan waxay qeyb ka tahay in maamulka Koonfur Galbeed uu u soo wareego caasimadiisa rasmi ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu La Kulmay Ninkii Kaliya ee Ka Badbaaday Shilkii Diyaaradda ee Ay Ku Dhinteen 242 Qof?

Diyaaradda oo ahayd duulimaadkii AI171 kuna sii jeeday Garoonka Gatwick, ayaa waday….

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 09:16PM

Dowladda Soomaaliya oo Ka Laabatay xayiraadda Baasaboorka Taiwan Iyadoo uu Cadaadis Saaray Mareykanka

Taiwan iyo Somaliland labaduba waxay sheegtaan inay yihiin dalal madax bannaan — mid ka go’ay Shiinaha iyo mid ka go’ay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 01:30PM