Sababta uu Farmaajo u saxiixi la'yahay Sharciga Hantidhowrka oo la dusiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Farmaajo ayaa sabab la xiriirta dano gaar ah uga cagajiidaya in uu saxiixo Sharciga Madaxa-banaanida Hantidhowrka Qaranka, sidda uu shaaciyey Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.

Cabdiraxmaan Odowaa, xoghayaha guud ee Madasha Xisbiyadda Qaran oo ay ku mideysan yihiin qaar kamid ah xisbiyadda siyaasadda dalka, ayaa sheegay in xeerkaas uu kamid yahay 21 sharci oo baarlamaanka ansixiyey.

Sidda laga soo xigtay mudanaha, Farmaajo ayaa 21-kaas sharci wuxuu kaliya ka saxiixay 11 kamid ah, waxaana wali baaqi u ah tobban kale.

"21-kaas tobban kamid ah madaxweynaha ayaa ku dhegan, sharcigii ugu muhiimsanaa Hantidhowrka iyo madax-banaanida Hantidhowrka illaa hadda madaxweynaha ma saxiixin, wax kale maahan, waxaa ku jira in qofka hantidhowraha ah uu baarlamaanka ansixinayo," ayuu Odowaa ku sheegay wareysi uu siiyey telefishinka maxaliga ah ee Goobjoog.

Wuxuu raaciyey: "Ma rabaan madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha, waxay rabaa in madaxweynuhu magacaabo [hantidhowraha].

Dhanka kale, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa difaacay in la kala diray xukuumadiisa Xasan Cali Khayre, isagoo si furan u sheegay "in aysan jirin wax shaqo oo ay qabatay" mudadii ay xafiiska joogtay.

Dhaxalka ugu weyn ee xukuumaddii Khayre ka tagtay ayuu ku sifeeyay "masawir iyo muuqaal lasoo jarjaray oo ra'iisul wasaaraha oo talaabsanaayo, marka laga tago wax kale oo ay ka tagtay ma jiro".

"Waxa ugu muhiimsan ee dowladnimada laga rabo waxay tahay dhismaha hay'addaha dowladda; golaha wasiiradda mala dhisay, lama dhisin, waxaa daliil u ah ra'iisul wasaaraha [Xasan Cali Khayre] wuxuu lahaa 60 Xildhibaano oo wasiiro ah; afar kaliyaa u coddeysay maalin dhaweyd, 56-da kale waa ka coddeeyeen; waxay uga coddeeyeen dhaqan-xumo lagu haayey darteed," ayuu yiri, isagoo ku eedeeyay Khayre in uusan u fursad u siin wasiiradda in ay si toos ah u gutaan shaqadooda isla markaana uu faragelin jiray xafiisyadooda.

Bishii lasoo dhaafay ee July ayay ahayd markii Aqalka Hoose uu kalsoonida kala noqdey Khayre, wallow hanaanka loo maray la dhaliilay isla markaana lagu qeexay in aysan waafaqsaneyn dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u taala.

Riditaanka xukuumadda oo Madaxtooyadda ay gedaal ka riixeysay ayaa kusoo hagaagtay maalmo kadib markii madaxda dowladda iyo maamuladda ay Dhuusamareeb ku gaareen heshiis ku aadan doorashooyinka sanadkan 2020-21.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Wajahaysa Isbeddel Amni xili uu dhamaanayo howlgalka Midowga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la yeeshay saraakiisha sare ee dhinaca amniga.

  • Soomaliya

    25-07-2026

  • 12:29PM

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM