Antony Thomas oo laga saarey Xabsiga Dhexe kadib markii naftiisa khatar gashay

Image

MUQDISHO, Somalia - Antony Thomas Cox oo ah maxbuus u dhashay Ingiriiska ayaa loo badalay xabsi ku yaala garoonka diyaaradaha Muqdisho markii laga soo wareejiyay xabsiga dhexe ee caasimada oo uu todobaadyo ku xirnaa.

Cox oo ay laamaha amaanka kasoo xireen madaarka caalamiga ah ee magaala madaxda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inuu la raaci rabay diyaarada qalabka loo adeegsado suntan dadka ka ilmeysiisa.

Dacwad-oogayaasha ayaa ku tilmaamay kiiska loo haysto ninkaan ajnabiga ah "khal-khalgelinta amniga qaranka iyo inaanu ku war-gelin hay’addaha amaanka agabka uu la fuuli rabay diyaarada Ethioipian Airlines".

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa bishii hore amar ku bixisay in loo dhaadhiciyo xabsiga dhexe, halkaasi oo maalmo kadib ay ku weerareen maxaabiis la sheegay inay Daacish ka tirsan yihiin, iyaga oo adeegsanaya Sakiin.

Warar soo baxay ayaa sheegayey inuu dhaawac salhan kasoo gaarey Qoorta, inkasta oo mas'uuliyiin xabsiga ay gaashaanka ku dhufteen arrintaasi, iyaga oo tibaaxay inaanu jirin waxyeelo soo gaarey.

Ilo madax banaan ayaa uxaqiijiyey warsidaha Garowe Online in xabsiga cusub ee loo wareejiyay maxbuuska ay maamusho dowlada Ingiriiska, taasi oo soo faragelisay kiiskaan.

DFS illaa iyo haatan kama aysan hadlin warkaan, wallow mareega GO uu isku dayay inuu la xiriiro hay’addaha ku shaqada leh oo sheegay inaanu haatan amar u haysan inay hadlaan.

Waa markii ugu horeysay oo nin ajnabi ah lagu xiro xabsi ku yaala Soomaaliya tan iyo burburkii dalka xili shacabka ay si wayn isha ugu hayaan qaabka ay udhici doonta maxkamadeynta Antony Thomas Cox.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM