Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

Image

WASHINGTON — Maxkamad federaal ah oo Mareykanka ku taalla ayaa Khamiista si ku-meel-gaar ah u hor istaagtay go’aankii Madaxweyne Donald Trump uu Aqalka Cad uga mamnuucay wariyeyaasha CNN, MS NOW iyo Politico, iyadoo garsooruhu sheegay in tallaabadaasi ay u badan tahay inay ka hor imanayso ilaalinta dastuuriga ah ee xorriyadda saxaafadda.

Garsoore Timothy Kelly oo ka tirsan Maxkamadda Federaalka ee Washington ayaa amray in si ku-meel-gaar ah dib loogu soo celiyo aqoonsiyada wariyeyaasha saddexda hay’adood, xilli dacwaddu ay sii socoto.

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey maamulka Trump kadib markii laga mamnuucay inay galaan dhismaha Aqalka Cad. Waxay ku doodeen in go’aanka lagu ciqaabayo warbaahinta sababo la xiriira qaabka ay uga warramaan maamulka, taas oo ay sheegeen inay jebinayso Wax-ka-beddelka Koowaad ee Dastuurka Mareykanka ee ilaalinaya xorriyadda hadalka iyo saxaafadda.

Maamulka Trump ayaa dhinaciisa maxkamadda ka sheegay in gelitaanka Aqalka Cad uu yahay “mudnaan, balse uusan ahayn xuquuq,” isagoo sidoo kale ku dooday in qaar ka mid ah warbixinnada hay’adahan ay abuureen walaac dhinaca amniga qaranka ah.

Garsoore Kelly ayaa intii lagu jiray dhageysiga dacwadda su’aal geliyey habka loo qaaday aqoonsiyada wariyeyaasha, isagoo tilmaamay in aan la siin hannaan ku filan oo ay kaga jawaabaan tallaabada maamulka.

Trump ayaa hore u sheegay inuu “u badan yahay” inuu dib ugu oggolaan doono warbaahinta Aqalka Cad haddii maxkamaddu sidaas go’aamiso.

Hase yeeshee, xaaladdu waxay yeelatay waji cusub Khamiista markii wariyeyaasha CNN, MS NOW iyo Politico la sheegay in weli loo diiday inay gudaha u galaan Aqalka Cad inkastoo amarka maxkamadda.

Murankan ayaa hadda isu beddelay kiis weyn oo ku saabsan xadka awoodda madaxweynaha ee maamulka gelitaanka Aqalka Cad iyo ilaalinta dastuuriga ah ee saxaafadda Mareykanka.

Kiisku wuxuu sidoo kale dib u soo celinayaa muran hore. Sannadkii 2018, isla Garsoore Kelly ayaa xukumay in Aqalka Cad dib ugu soo celiyo aqoonsigii wariyihii CNN Jim Acosta kadib markii maamulka Trump uu kala noqday.

Go’aanka Khamiista waa mid ku-meel-gaar ah, mana soo afjarayo dacwadda. Arrinta ayaa weli mari karta Maxkamadda Racfaanka ee Washington, waxaana suuragal ah in khilaafka sharci uu sii socdo iyadoo dhinacyadu ku muransan yihiin awoodda Aqalka Cad iyo xuquuqda warbaahinta.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM