Maxkamad ku taala Jarmalka oo xukun ku riday haweenay Soomaali ah

Image

DETMOLD, Germany – Maxkamad ku taala magaaladda Detmold ee Jarmalka ayaa haweenay Soomaali ah waxay ku xukuntay lix bilood oo xabsi ku hayn markii lagu helay dambi ah "sameynta dhaawac jireed halis leh".

Xukunsanaha oo magaceeda lagu soo koobay Nimco isla markaana 28-sano jir ah ayaa la wariyey in ay "qiratay" dambiga oo ah in ay Toorey ku dhaawacdey laba rag ah oo ku dhex-kufsaday tukaan ku yaala Soomaaliya.

Weerarka waxyeeladay sababay oo ay geysatay ayaa ahaa mid ay ku gaadey mid kamid ah mana-xayaashii ficilkaas foosha xun kula kacay.

Nimco oo ah marwo leh saddex caruur ah ayaa u sheegtay xeerbeegtada in ay falkaas ku kacdey markii ay dil ugu hanjabeen kuwii faraxumeeyay kuna eedeeyeen in iyadda "sasabatay" kuna dhiiragelisay falka.

Dambigan dhacay bishii Maaj 2013-kii ayay ku shaacisay wareysigii laga qaadayey markii ay Jarmalka galeysay 2017-kii; waxaana waqtigaas ay saraakiishu u direen baaris dheeri oo keentay in la maxkamadeeyo.

Nasiib wanaag, waxaa lagu eedeeyay dacwad ahayd in ay sameysay isku day dil, arrintaas oo ay ku muteysan kartay xabsi daa'in.

Xeer-ilaalinta ayaa ka dhawaajisay in ay kiiskan uga wareejin waayeen dowladda Soomaaliya cabsi la xiriirta in dil toogasho lagu xuumo.

Nimco ayaa kasoo jeeda magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose isla markaana hoostaga maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Germany ayaa kamid ah wadamada ay qaxootiga Soomaalida ah aad ugu badan yihiin, mana cadda hadii ay cadaaladii u baahneyd heshay Nimco iyo qareeno madax-banaan difaaca una ololeeya doodeeda ah in la dulmiyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM