Jubaland oo si kulul uga hadashay falalka ay DF kawado gobolka Gedo

Image

KISMAAYO, Jubbaland - Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta war qoraal ah kasoo saaray "falalka sharci daradda ah ee Dowlada Federaalka Soomaaliya ay ka wado gobolka Gedo" ee hoostaga maamulkaas.

War-saxaafadeedka oo ku taariikheysan 21-ka May sanadkan 2020-ka ayaa wuxuu kasoo baxay xafiiska madaxweyne Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] gaar ahaan waaxda warfaafinta.

Sidda ku xusan bayaanka oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online, Jubbaland ayaa waxay "ka xun tahay falalkaas oo sababay khalkhal amni, jahwareer siyaasadeed iyo burbur bulsho".

Falalkaas, sidda ku cad qoraalka, waxay isugu jiraan ciidamo ay "dowladdu u daabushay gobolka, magacaabida gudoomiyeyaal sharci darro ah iyo mas'uuliyiintii hore oo qasab looga saarey xafiisyadda".

Maamulka Axmed Madoobe ayaa ku doodey in magacaabida gudoomiyeyaasha gobolada hoostaga maamulada uu dastuurka u ogolaanayo in ay soo magacaabaan ismaamuladda waddanka.

"Sidaas darteeda, dowlad goboleedka Jubbaland waxay caddeyneysaa in ay waddo dowladda federaalka ku xadgudubka dastuurka iyo baabi'inta nidaamka federaalka ah ee dalka u degan," ayaa la raaciyey.

Shacabka iyo hay'addaha caalamiga ah ayaa la faray in ay la shaqeeyaan gudoomiyeyaasha ay Jubbaland aqoonsan tahay ee sidda "juujuubka ah xafiisyadda uga saartay dowladda federaalka".

"Ugu dambeyntii, dowlad goboleedka Jubaland waxay u digeysaa shakhsiyaadka sameynaya kutakrifalka awoodeed ee aysan lahayn iyo ku xadgudubka sharciga, waxayna la tiigsaneysaa maxkamad sidda waafaqsan dastuurka dalka," ayaa lagu soo xiray qoraalka.

Dowladda uu madaxweynaha ka yahay Farmaajo ayaa la fahansan yahay in ay wado qorshe ay ku caawinayaan ciidamo Itoobiyaan ah kaas oo gobolka Gedo ay kaga hirgelineyso dowlad goboleed ka madax-banaan Jubbaland.

QORAALKA JUBBALAND

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Jeyte oo ceeb ku tilmaamay hadalka Axmed Maclin Fiqi

Nuur Cabdi Rooble (Nuunuule), Caddaw iyo Macallin Cumar ayuu sheegay Wasiirka difaaca DF Axmed Maclin Fiqi in lagu dilay howlgalka.

  • Soomaliya

    08-06-2025

  • 12:28PM

Ciidamada Puntland oo hawlgal ballaaran ka fulinaya godadka Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku guuleystay inay yareeyaan saamaynta iyo firfircoonida kooxda ISIS.

  • Soomaliya

    08-06-2025

  • 11:06AM