Xubin Daacish ah oo dil toogasho loogu riday "khaarijin uu geystay"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah waxay dil toogasho ku xukuntay Aadan Maxamed Cali.

Cali oo 27-sano jir ah ayaa waxaa lagu soo eedeeyay in uu dilal ka geystay magaalooyinka Boosaaso iyo Muqdisho, dhamaadka sanadkii 2018 iyo horaanta 2019.

Shaqsigan ayaa waxaa la toogan doonaa hadii fursad racfaan oo uu haysto ay ka biyo diidaan xeer-beegtada racfaanka.

Toogashooyinka uu ruuxan ka fuliyay xarunta gobolka Bari ayaa la xusay in mid kamid ah uu ku beegsaday taliyihii ilaalada Madaxtooyada Puntland Boosaaso.

Dhanka kale, maxkamadda ayaa waxay xorriyadiisa u celisay Cabdishakuur Xaaji Barsanji, kaasi oo 25-sano jir ah.

Barsanji oo lala soo qabtay xukunsaha ayaa waxaa lagu waayay in uu wax kaalin ah uu ku lahaa falalka khaarijinta ah ee lagu soo oogay Cali.

Inta badan maxkamada milatariga Soomaaliya ayaa xukuno isugu jira dilal iyo xabsiyo waxay ku ridaa rag lagu eedeeyay AlShabaabnimo iyo Daacishnimo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM